Ogaysiis:-Webset Cusub Ee Allxudun.com Oo kusoo biiray Warbaahinta Somalida
Bishaaro Dadweynow, Bilkheyr dhaha: Dadka ku hadla Afka Soomaaliga Ee ku nool Daafaha Dunida gaar ahaan Afrikadabari Waxaa Loogu Bishaaraynayaa Daah-furka Shabakad Cusub Oo La Magac baxday www.allxudun.com
Mareegtan Cusub Oo Kusoo Biirtay Baraha Internetka Ee Af-soomaaliga ku hawlgala Waa Shabakad Madaxbanaan Oo Baahin Doontaa Wararka Afrikadabari Gudo iyo Dibadba. Hadii Ilaahay Yiraahdo Waxan idiin soo gudbinaynaa Warar sugan, Dhacdooyinka, Faalooyinka, Wareysiyada iyo Ra’yiga dadweynaha.
Waxad ka heli doontaan barnaamujyo dhiiri-galinaya wax-qabsiga iyo horumarka, falanqeynta siyaasada, waxbarashada, culuunta islaamiga ah, arimaha caafimaadka, suugaanta iwm. Shabakadani waxay noqon doontaa mid aan cidna ku tixgalin kagana haybaysan wixii xaqiiq ah ee u baahan in bulshadu ogaato. Waxay ka fogaan doontaa isku dirka, kala dilka iyo wax shakshiga cirdigiisa wax u dhimaya.
Halkan Riix si,aad uboqoto shabakada Allxudun.com
www.allxudun.com