afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
  • tacsi
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • tacsi
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
6:00 pm | Posted by

Khaatumo State Sanad Guuro Wacan.

calanka khaatumoJan 12 waa maalintii si rasmi ah tiirka adag loogu taagay
dhismaha maamulka Khaatumo State Of Somalia oo taladda,
rabitaanka iyo go’aaminteeda eey iska lahaayeen bulshadda
reer khaatumo(daraawiishta)kadib markii eey ka daaleen kala
daadsanaanta,dayaca,dib u dhac dhinac walba leh iyo qorshaha
cadoownimada,colaada,duulimaadka,tacadga iyo dhul balaarsiga
rajiimka S/Land(aragti beeleedka ka duulaaya),guusha kowaad
dhismaha ama hirgelinta Khaatumo State Allah ayaa mahad iska
leh,waaana amaan gaar ahaaneed gudan qeybahan:-
 http://youtu.be/m9hAI9nsP5E
wasiirka gaashaandhiga oo baydhabo tagay.
http://youtu.be/wHYEq7OKkc4
*-Gudigga Aqooyahanadda Khaatumo Ex G6 hada G 11.
*-Golaha Sare ee Dhaqanka(Isimadda).
*-Culimaa-udiinka.
*-Gudigii Farsamadda G15-kii.
*-Waxgarada Gudaha,Ganacsatada iyo Qeybaha Ururada Bulshadda
gaar ahaan Haweenka damiirka nool leh iyo dhalinyaradda.
*-Jaaliyadda qurba jooga ah.

Xuska sanad guurada koowaad ayaa mudnaan gaar ah iyo
ahamiyada weyn leh loogu dabaal degi doonaa hadii Allah
idmo meelo badan gudaha iyo debedda inkastoo xarunta Taleex
astaan gaar ah(Hooyga Karaamadda iyo Xarunta Rasmiga ah)lama
soo koobi karaayo dareenka farxada bulshadda reer khaatumo
oo maamulkoodu sanad jirsaday waana munaasabad dhalashadeedu
guud ahaan dhalashadoodii oo kale lamid,waxaan Raxmaanka ka
tuugaayaa(Baryaayaa)in Maamulka iyo reer khaatumo sanadka
kiisa kale nabadgelyo,horumar,hogaamin wanaagsan,hanashadda
xoriyadooda degaamadooda iyo lajaan-qaadida hanaanka dowlada
Fedraalka Somaaliyeed maamulada deriska ah(deris wanaag iyo
Nabdgelyo ku wada noolaadaan)aamiin,inkastoo colaad,weerar
xaq daro,duulimaad iyo siyaasad cadoownimo lagu hayo hana
Khaatumo State tiir adag oo qaranimada,midnimada iyo xaq
difaacida u taagan marna ka tanaasuleyn illaalinta karaamada
dhulkeeda iyo xurmadda dadkeeda,rajo wanaagsan iyo horumar
dhinac walba ah laga filaayo,Khaatumo Iftiin shaacay guushuna
dhankooda tahay,cid kale hoos joogideed khaatumo diideeyn,
cidna duulimaad kuma aha,balse kibir iyo gardaro ma qaadan
kareeyno.
Hambalyo Sanad guuradda koowaad dhismaha Khaatumo State:-
*-Golaha Madaxtooyadda.
*-Golaha Xukuumadda.
*-Golaha Sarre Dhaqanka(Isimadda).
*-Golaha Aqoonyahanka G11.
*-Golaha Culimaa-udiinka.
*-Halyeeyadda Xaq u diriirka(Cidanka Khaatumo).
*-Maamuladda Goboladda iyo Degmooyinka.
*-Ururadda Bulshadda.
*-Jaaliyadda Qurba Jooga ah iyo guud ahaanba bulshadda
Reer Khaatumo(Sand Guuro Wacan).
-Qorre-Ustaad-Xassan C/Laahi Sh.Maxamed(Xassan Carab).
-sharifhassan50@hotmail.co.uk
-Jan-09-2013.

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM