Maamul Ku Meel Gaadh ah Oo Looga Dhawaaqayo Magaalada Qardho (Warbixin Hoose)
Kadib markii uu dhamaaday waqtigii C/Raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) loo doortay, ayaa waxaa maanta la filaayaa in Puntland looga dhawaaqo Maamul Ku Meel Gaarka ah.
Kulan ballaaran ayaa wuxuu maanta uu ka soconayaa Magaalada Qardho. Nabadoon Saciid Xaaji Maxamed oo ka mid ah Nabadoono badan oo isugu yimid Magaalada Qardho, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inay maanta ku dhawaaqayaan Maamul Ku Meel Gaar ah.
“Maadaama uu dhamaaday waqtigii C/Raxmaan Faroole, anaga waxaan sameysaneynaa Maamul Ku Meel Gaar ah, maxaa yeelay C/Raxmaan Faroole uma aqoonsani in uu Madaxweyne Puntland yahay.
Nabadoon Saciid Xaaji Maxamed oo wareysi siiyay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inay adkeeyeen ammaanka Magaalada Qardho.
Si kastaba ha-ahaatee waxaa laga cabsi qabaa in C/raxamn Faroole oo maalmahan Saldhig ka dhigaty magaalada Boosaaso uu duulaan qaawan ku qaado magaalad aQardho iyo ergada ku sugan.
Xafiiska shabakada Afbakayle.com
Qardho/Somalia
Afbakaylenews@gmail.com