afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
10:24 am | Posted by laascaanood

WAR DEG DEG AH:- Sheekh Xasan Daahir Aweys oo si deg deg ah uga cararay degmada Baraawe iyo diyaarado halkaasi dul wareegaaya.

hassan-dahir-aweys-300x198Wararka haatan naga soo gaaraya degmada Baraawe ee gobalka Sh/hoose ayaa waxay sheegayaan in Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah saraakiisha Xarakada Al-shabaab uu deg deg uga cararay degmadaasi ka dib markii halkaasi ay dul yimaadeen diyaarado dagaal oo aan la ogeeyn dalka laga leeyahay.

Maalmahaan oo dhan ayaa la sheegaayay in Sheekh Xasan Daahir Aweys uu ku sugnaa degmada Baraawe, hase ahaatee waxaa la tilmaamay in diyaarado Helicopter ah ay saakay bilaabeen in halkaasi ay gaaf wareegaan.

Sheekh Xasan Daahir oo ka cabsaday in diyaaradahaasi ay duqeeyaan halka uu isaga ku sugan yahay ayaa waxa uu bilaabay in degmadaasi dhan uu si deg deg ah isaga cararo, isagoona ay cararkiisa ku wehliyeen saraakiil kale oo ka tirsan Xarakada Al-shabaab.

Madaxda Xarakada Al-shabaab ayaa haatan noqday kuwo maalinba maalinta ka dambeeysa sii go’dooma ka dib markii deegaanada lagala wareegaaya ay noqdeen kuwo aad iyo aad u badan, lamana oga sida ay wax ku dambeeyn doonaan.

 Xafiiska Shabakada Afbakayle.com

Moqdisho/Somalia

Afbakaylenews@gmail.com

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM