afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
  • tacsi
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • tacsi
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
10:17 am | Posted by

Daawo+Sawiro:-Hogaamiyihii ugu Sareeyay Burcad Badeeda iyo Koox lasocotay oo Caawa Shaaca ka qaaday in ay soo Hanuuneen

Ku dhowaad 100- Dhalinyaro ah oo ka mid ahaa Kooxaha Buracad Badeeda Soomaalida ah ee ka qowliista Xeebaha Soomaaliya iyo ka baxsan ayaa maanta Goob fagaaro ah kaga dhawaaqay inay ka tanaasuleen Falka Barcad Badeednimada ah oo ay in Mudo ah ku soo jireen.

Munaasabada Ragani ay kaga dhawaaqeen Hadalka ah ka tanaasulida Buracad Badeednimada oo ka dhacday Xarunta Madaxtooyada Maamulka Ximan iyo Xeeb ee Magaalada Cadaado ayaa waxa ka qeyb galay Masuuliyiin Ka tirsan Maamulka oo uu ka mid ahaa Madaxweynaha Maamulka Ximan iyo Xeeb Max’ed C/llahi Macalin Aadan Tiiceey.

Qaar ka mid ah Horjoogayaasha Kooxaha Buracad Badeeda ah ee Maanta ku dhawaaqay inay tanaasuleen oo Goobta ka hadlay ayaa sheegay in Maanta wixii ka danbeeya aysan u noqon doonin Buracad Badeednimo wixii ay hub ku qaraaban jireena ay ku wareejinayaan Maamulka Ximan iyo Xeeb.

Maxamed Cabdi Xasan oo loo yaqaano Afweyne oo ka mid ahaa Gudi in Mudo ah ka shaqeynayey sidii loo soo afjari lahaa Kooxaha Burcad Badeeda gaar ahaan Raga ka soo jeeda Deegaanada Ximan iyo Xeeb ayaa sheegay in Allah uu ku guuleeyey Maanta inay ku dhowaad 100-dhalinyaro ah ay ka tanaasulaan Falka Burcad badeenimada ah Dowlada looga fadhiyo inay maanta shaqo u abuurto xili uu shegay inaysan jirin cid kale oo arinkan gacan ka siisay.

Gebo gebadii Madaxweynaha Maamulka Ximan iyo Xeeb Max’ed C/llahi Macalin Aadan Tiicey oo xaflada ka hadlay ayaa uga mahadceliyey Dharinyaradan tanaasulka Sameyey isagoona sidoo kale kuwa kale ugu baaqay inay isaga baxaan arinkan Foosha xun.

Raga ugu Magaca dheer ee Maanta ka tanaasulay Buracad badeednimada ayaa waxa ka mid ah Max’ed Garfaanjo, C/llahi Gaadayar, Aadan Faafaale, C/qaadir Max’ed Afweyne iyo rag kale oo badan.

Si kastaba ha ahaatee Dhowanaahaba Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa ku jiray Dadaal ah sidii Deegaanada hoos yimaada uu uga suulin lahaa Burcad Badeeda isagoo la kaashanaya Bulshada iyadoona la dhihi karo tani ayaa qeyb ka noqoneysa tilaabooyinka Deegaanada Ximan iyo Xeeb looga soo afjarayo Buracad Badeeda.

DSC07909

DSC07917

DSC07918

DSC07919

DSC07921

DSC07922

Budhcad Badeed5

S1660002

S1660012

S1660015

S1660018

DSC07910

DSC07923

DSC07911

DSC07915

S1660007

Photo by Daahir Faarax

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM