Halkan Ka Akhriso: Gabaygii 9aad Ee Silsilada Garnaqsi ( Gurmad)
Waxaanu Halkan Idinka Soo Gudbinaynaa Dhamaan Akhristayaasha Shabakada http://afbakayle.com/ Gabaygii 9aad Oo Isagu Kamid Ah Gabaygda Taxana Ah Ee Kasocda Silsilada Garnaqsi Hadaba Gabaygan Ayaa Waxaa Tirisay Abwaanada Da,da Yar Ee Reer Sool CAASHA LUUL CUMAR JAAMAC Iyadoona Abwaanada Kahadlaysa Xaaladaha Kataagan Deegaanada KHaatumo Iyo Inaan La Haysan Doonin Deegaanadaas Ayaa Waxay Tirisay Gabay Lamagac Baxay Gurmad Hadaba Aan Idiin Kala Baxo Idinka Iyo Abwaanada .
1. Gar adkaatay gole loo fidshay iyo geedka loo waabay
2. Oo garyaqaankii uu joogo iyo guurti iyo odayba
3. Oo kii garaad wacanlahaa loogu gacan haadshay
4. Weedhsame waa sooganay oo aadana gacantaagye
5. Gar alay taqaanaa e waa inaan kaba gungadhnaa e
6. Garnaqsiga waxaaan doonayaa inaaan garsooraa e
7. Talo gebidhaclaysay baan rabaa inaan gaasa bixinaae
8. Go,aankii taleex baan rabaa inaan ku guuraae
9. Wixii laysla goostay baan rabaa inaan soogunanadoe
10. Dib ugurashadaan diidayaa iyo inuu gaagax soobaxa e
11. Guuxguuxa dedan baanan rabin iyo gununuc hoosaade
12. Dalka kala goiisaan rabin iyo gaala dabajooge
13. Sayidkii rayigii uu katagay baan giija leeyahay e
14. Goglaalada idoorkaan rabaa inaan genef kulaadaa e
15. Gocorada udabadhaqa ayaan geed kuxidhayaa e
16. Hasha gacal ah ayaan diidanahay in gaws ladhaafsadoe
17. Afartaasi waa gabay iyo garnaqsigaygii e
18. Waa gabano aan baqanin iyo gaaskii khaatumo e
19. Geesiyada daraawiishta iyo waa gunimo diide
20. Abhiskaygii geliwaa idoor wuuna geesamaray
21. Garanwaayay waxa ay nugaal ugugoaayaane
22. Gardarada snm nagu wado waa mid gura dheere
23. Wax magartadaan dhaadin oo nacas ayaan garane
24. Guna qaatahaan dhiidhiyayn iyo kaa uguurayn e
25. Afartaasi waa gabay iyo garnaqsigaygii e
26. Gacmuhuba markay wada jiraan bay bur gooyaane
27. Markaynu is garbsano inagu oo gees uwada jeedno
28. Oo aynaan kala googonayn baynu guusha helayna e
29. Kuwa geela jira iyo kuwaa gudaha sool jooga
30. Go,a aan kaan idiin wado hadeer waa dagaal galae
31. Gurmad bixiya weeyaan markii laysasoo galoe
32. Mar hadii dagaal iyo lagalo iyo guluf colaadeedba
33. Weligeenba gaasbaynu nahay aan lagaasirine
34. Maantana gedii abeesalay ayaay igaguraayaane
35. Afartaasi waa gabay iyo garnaqsigaygii e
36. Waa gabano aan baqanin iyo gaaskii khaatumo e
37. Geesiyada daraawiishta iyo waa gunimo diide
38. Ciidamada galbeed iyo kayimi gebiley daanteeda
39. Guryahayga inta uu fadhiyo gocorka siilaaanyo
40. Gaajadu wax imayeelaysiyo gaydha iyo oone
41. Gam imaayo jiifoo hurdadii waan kago ayaae
42. Gabayada madaynaayo iyo geerariyo iyo heese
43. Gacan bira ayaan kaga xorayn guule idankiis
44. Oo geyigaba waxaan gelinayaa guluf colaadeede
45. Gelindhexe ayaan mirayaa sidii aan gudgude ahay
46. Baasuuke gubayaan ladhici oo gaadahaan badine
47. Afartaasu waa gabay iyo garnaqsigaygiie
48. Waa gabano aanbaqanin iyo gaaskii khaatumo e
49. Geesiyada daraawiishta iyo waa gunimo diide
50. Geedkaa maraaga ilaa gedefta siixawle
51. Laascaano geesaheda ilaa guriga maygaagle
52. Dhamansaar gosheedii ilaa yayle iyo gurasaarba
53. Sanaag goonyaheedii iyo gumburku waagaare
54. Laba godol ayaaan doonayaa inay ka guuraane
55. Guumays barqaan jiidhayaa galinba wa meele
56. Galabtaa xigtana caynabaan gaadhka kahayaa e
57. Gobkii ceelka ayaan gaynayaa geela reeraha e
58. Ilaalebida gaatama ayaan guul kudegaae
59. Dhulkii cadwgu goostaan calanka guudkasudhayae
60. Gaatama iyo waxaan gaadhayaa lebi gunteediie
61. Guuldariyo waxaan badi idoor gawlo aan hadhine
62. Guban iyo waxaan saarayaa buurihii golis e
63. Afartaasu waa gabay iyo garnaqsigaygiie
64. Waa gabano aanbaqanin iyo gaaskii khaatumoe
65. Geesiyada daraawiishta iyo waa gunimodiide
66. Guulihii kalshaaliyo kadhacay guriga buuhoodle
67. Hagogane markii laysku galay galabtii maygaagle
68. Horilugud gumaadkaan idoor geelow ugugaystay
69. Gawaadhidaan lahadhay waa ogaa uumiyuhu guud e
70. Guutooyin badan ban kucunay gacandar maantii e
71. Gawaadhidii markay buuxsameen eee laguriwaayay
72. Goofafbay intay gacaf gasheen ay kugurayeene
73. Xudun goonyaheedii waanigii guuldarada baday e
74. Shiilamadoow garnayladaan udhigay markii lagugamuumaayaay
75. Gobley iyo bali ismiidh baan gumaad dhigaye
76. Goobahaas nin guuldaradii katimi ogi ma joogeene
77. Gurmad iyo makeeneen markale gaaadhiyaal kale e
78. Garnaqsigan ragii soo galoow soo giraangiriya
79. Oo gorfeeya xaajada idinku garabna soosiiya
80. Guulaysta reer khaatumo guul insh Alaaah e
……………..DhAMAAD……………….
By- Caasha Luul Cumar Jaamac Wadaad
waa salaamay webka qolada leh inta ka dib waa soo geli lahaa garnaqsiga gabayada socda laakiin ma fahmin runtii ragii reerka u gabyi jirayna ma soo gelin war waa lagu xigmad guurayaa kuwani reer khaatumo maahee maxay ahaayeen bal ilaa sagaal gabay baa la mariyey hadana cid garamaysa meesha kuma arag waxaad moodaa nin qudhihi inuu wada mariyey kkkk.
war gabaygii dhulbahante xaal siiya oo naga aamusa waxyohow