DAAWO+SAWIRADA iyo Wacdarihii Iyo Dabaal degii ka Dhacay Buuhoodle iyo Madaxwayne Indha sheel Oo kaqaybgalay
Waxaa caawa hotelka weyn ee abdi guray plaza ee magaalada buuhoodle kadhacday xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay xafladan ayaa lagu maamuusayey sanad guuradii koowaad ee maamul gobaleedka khaatumo state
waxaana goob joog kahaa madaxweynaha maamulka khaatumo maxamed yuusuf jaamac (indho sheel) agaasimaha wasaarada arimaha gudaha Maxamuud shiikh Cumar qaar kamida golaha sare ee maamul gobaleedka khaatumo oo ay kamid ahaayeen Garaad jaamac garaad Ismaaciil Ducaale oo isagu kasoo kicitimay dhanaca magaalada dandan si uu ugaqayb qaato xaflada sanad guurada 1aad ee maamulka suuban ee khaatumo
Gagaraad C/ laahi Garaad Soofe, Garaad saleebaan Buraale, Iyo suldaan siciid Cismaan Cali Iyo Waliba Isimo Kale oo aan halkan lagu soo koobi karayn
sidoo kale waxaa madasha goob joog ka ahaa dr.xabeeb oo ah dhakhtar ku takhakhusay xanuunka dadka dhimrka , qaar kamida ururada haweenka culimo awdiin iyo martisharaf kale
waxaana dhamaan dadkaasi wajiyadooda kamuu qanaysay farxad aan lasoo koobi karin waxayna siweyn usoo dhaweeyeen sanad guurada 1aad ee maamulka khaatumo
madaxweynaha maamulka khaatumo oo goobta kahadlay ayaa waxa uu umada reer khaatumo meelkasta oo ay joogaan udaray hanbalyo
isaga ugu baaqay inay marwalba garab taagnaadaan maamulkooda
halkan hoose kadaawao sawirada
By C/casiis Aadan Jaamac iyo Maxamed Cali bile
























