afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
12:40 pm | Posted by

DHAGAYSO:Ra’iisale Cabdi farax Shirdoon”Midnimada Soomaaliya Waa Lama taabtaan,Somaliland Ha O Gaato

Raysal wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay diyaarineyso waftigii uga qeyb gali lahaa shirka ay wada
yeelanayaan labada dhinac oo la filayo inuu dhawaan qabsoomo.

Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa ku tilmaamay midnimada Soomaaliya mid lama taabtaan ah wuxuuna ku amaanay dadka Soomaaliyeed sida ay u jecelyihiin
midnimda isagoona si gaar ah amaanay dadka Soomaaliyeed ee kasoo jeeda deegaaanada SNM oo uu ku tilmaamay iney yihiin dadkii horseeday midnimada
Jamhuuriyada Soomaaliya wuxuuna ku sifeeyey iney yihiin dad lagu xasuusto kuna caanbaxay jacaylka midnimada umada Soomaaliyeed, Saacid ayaa ballan qaaday
in si dhab ah looga wada hadli doono waxa ay tabanaay Maamulka Labaxay Somaliland.

Halkan Riix Oo Dhagayso codka Raysal Waraha

COD

 

Cabdi Faarax Shiirdoon Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in wadahadaladaas laga gaaro guulo wax ku ool ah wuxuuna intaa ku daray
in dowladiisu ay geed dheer iyo mid gaabanba u fuuli doonto sidii loo heli lahaa mar kale midnimadii umada Soomaaliyeed dhantaalantahay kadib markii deegaanada
waqooyiga SOomaaliya ay ku dhawaaqeen 1991 iney ka go’een Jamhuurada Soomaaliya.

Raysal wasaare Saacid ayaa beesha caalamka ka codsaday iney taageeraan bulshada Soomaaliyeed wuxuuna tibaaxay in beesha caalamka looga baahanyahay iney
Soomaaliya u taageeraan sida ay shacabka Soomaaliyeed doonayaan wuxuuna meesha ka saaray in xukuumadiisuy aysan aqbali doono in caalamku uu si aan dan
ugu jirin shacabka Soomaaliyeed u fuliyaan caawinaada ay sheegaan iney siiyaan dadka Soomaaliyeed

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM