DAAWO SAWIRADA:Musharax Cumar Yuusuf Cabdi Oo Ah Musharax U tagan Xilka Dowlada Hoose xaafada islii Oo Qado Sharaf baladhan u Sameyey Tageerayashisa
Xaflad Baladhan Oo qada Sharaf Ah Uuna Tageerayashiisa Ugu talo galay Musharax Cumar Yuusuf Cabdi Oo Ka Sharaxan Xisbiga TNA gaar ahaan dowlada hoose Ayaa Maanta ka Dhacay Hotelka islii Mall Ee Magaalada Nairobi Gaar ahaana xaafada islii Iyadoona Ka Soo Qeyb galeen wax garad,Culima Udin,Arday Iyo baahda saxaafada Kala Duwan.
Xafladani Oo Ka mid Ahayd xaflado baladhan oo Musaharaxni la Qeyb sanayey tageerayaashiisa Ayaa maanta waxa Ay Ahayd Mid Siweyn loo Soo Agaasimey,waxana halkaasi Tageerayashiisa Kala Had lay Musharaxa,Iyadoona Siweyn U sheegeen dadweynahii Ka Qeyb galay Inay Siweyn U dooranayaan.
Musharaxa U tagan xilka Dowlada Hoose Ee Xaafada islii Omar Yusuf Abdi Oo ka Mida Musharaxinta Xiligani ugu cad cad Musharaxinta u tar tamaya Dowlada Hoose Ayaa xafladaasi kala had lay tageerayaashiisa.
Ugu Horayn Waxa Xafladani daah furay Isla Markaasina Sharaxad kooban ka Bixiyey wax Qabadka Musaharax Omar , Maxamed Maxamud Gutaale Oo Ka Mid Ah Gudiga Ganacsatada Xaafada Islii Isla narkaasina Ka Sheekeyey wax qabadka Omar.
Waxana Halkasi Lagu Soo ban Dhigay Muqaalada ka Turjumaya wax qabadka Musharaxa oo Isaga Ka Mid ahaa Gudiga Ganacsatada xaafada islii isla Markaasina Ugu Fir Fircoon Shaqsiyaadka U ololeeya Xuquqda soomaalida.
Omar Yusuf Ayaa Ka Mid Ahaa Sakhsiyaadka lagu xasuusto Caawinta Soomaalida Abaarta ku samaysay Dalka Soomaaliya waxana Uu ka Mid Ahaa ganacsatada Soomaalida Ee Iyaga Caawimaada Gaarsiyey Kumanan Qaxoonti soomaalida Kujira Xeryaha Qaxoontiga ee degaanka dhadhaab.
Mr.Gutaale Ayaa Sheegay inaysan jirin Cid xiligani ka Mudan in Loo Doorto Xilkaasi Madama Uu Mudo Badan ka Mid ahaa Sakhsiyaadka Soomaalida dhibataysan gacanta Weyn Ka Geysta Caawintooda,Uuna Sidoo kale wax badan ka Qabtay Bilicda xaafada islii.
Sidoo kale waxa Halkaasi Hadalo buran bur Ah ka Soo Jeediyey Qaar ka Mida Bulshada Rayid Ka Ah Iyo tageerayaasha Musaharaxa Iyagona Sheegay Inay Codkoosa Sinayan Musaharax Omar,Uuna yahay Shaqsi Xiligani baahi loogu qabo inuu Qabto Xilkaasi.
Xafladeani balaadhan Oo ka Mida xafladaha Uu musaharaxa La Qeyb sanayey tageerayaashiisa Ayaa Guud Ahaan dadkii ka Soo Qeyb galay waxay Siweyn U Sopo Dhaweeyeen Musaharaxani u tagan Xilka Dowlada Hoose ee xaafada ilsii Isla Markaasina Ka Sharaxan Xisbiga TNA.
Mohamed Abdulahi Khalif(Shine)
Nairobi Kenya
Sawirada Oo dhan hoos Ka Daawo



















