Ururka Hanaqaad Oo Maanta Qalab Sport Gudoonsiiyay Naadi Katirsan G/sool(Daawo+Sawiro)
Ururka Hanaqaad Oo Kamida Ururada Aan Dawliga Ahayn Ee Iyagu Kashaqeeyo Gudaha G/sool Ayaa Iyagu Manata Waxay Xafiiska Ay Kadagan Yihiin Magaalada Laascanood Waxay Qalab Sport Ku Gudoonsiiyeen Naadi Iyagu Katirsan Naadiyada Kubada Cagta Ee Kajira Gudaha Magaalada Laascaanood.
Agabkan Sport Ee Ay Qaybiyeen Ururka Hanaqaad Ayaa Isagu Kakoobnaa Kubado,Malaiyado Iyo Waliba Lootooyinka Lagu Ciyaaro Kubada Cagta Iyadoona Munaasibadan Ay Kuwareejinayaan Ciyaartooydaas Maanta Ugu Sameeyay Xafiiska Ururka Hanaqaad Ee Magaalada Laascaanood.
Hadaba Ururka Hanaqaad Ayaa Waxaa Lagu Xasuustaa Ama Ay Dadka Intooda Badan Ku Yaqaaniin Horumarinta Adeegyada Bulshadu Ay Ubaahan Yihiin Iyo Waliba Uadeegida Bulshada Iyagu Kutabaalaysan Gudaha Magaalada Laascaanood IyadoonaUu Ururku Qabtay Wax Qabadyo Waawayn Ha Ahaatee Caawimooyin Ay Siyaan Dadka Iyagu Barakacayaasha Ah Iyo Waliba Kutabaalaysan Gudaha Magaalada Iyagoo Sidoo Klaena Qabta Siminaaro Ama Baraarujin Lagu Horumarinayo Bulshada Kudhaqan Gudaha Magaalada Laascaanood.
Guntii Iyo Gunaanadkii Ayaa Waxaa Halkaas Lagu Gudoonsiiyay Naadigan Iyagu Kadhisan Gudaha Magaalada Laascaanood Agabkii Sport Iyadoona Ay Halkaas Hadalo Dhiiri Galina Iyo Waliba Bogaadina Uga Soo Jeedisay Xaliimo Saalax Xasan Oo Iyadu Kamid Ah Xubnaha Ugu Cadcad Ee Katirsan Ururka Hanaqaad Iyadoona Kula Talisay Dhalintan sportiga Ah Inay Iska Ilaaliyeen Waxyaalaha Isku Dhaca Keenaya Oo Ay Kaw Katahay Qabyaaladu.

