Warar Dheeraad ah Dagaal Caawa Ka Qarxay Duleedka Laascaanood..
Wararka naga soogaadhaya magaalada laascaanood ayaa sheegaya in dhaawac tiro Oo ah Ciimada Maleeshiyada SNM lasoogaadhisiyay cusbitaalka magaaladaas.
Wararka haatan naga soo gaadhaya magaalada Laascanood ee xarunta G/Sool ayaa ku soo waramaya in caawa tuulada Ganbadhe ay hawlgal ka fuliyeen cutub ka tirsan Ciidamada Guur guura ee Khaatumo, kuwaasoo khal khal iyo khasaare gaadhsiiyey maleeshiyaad Siilaanyo ee duulaanka ah ee ku sugan Aaga laamiga ee tuulada Ganbadhe.
Wararka oo aad u yar iyo xiliga oo habeenimo, ah ayaan weli si dhab ah loo ogaan khasaaraha dhabta ah ee gaadhay maleeshiyaadka kooxda Siilaanyo, balse waxaa dad aagaas ka dhawaa sheegayana in hilaac ka baxay markii gantaalaha garabka laga tuuro lagu weeraray maleeshiyaadka halkaas sugnaa, halmarna sawaxan iyo qaylo ka yeedhay meeshii ayadoo qaraxyo ka dhaceen lagu sheegay hubkii u kaydsanaa oo la qarxiyey.
ululululul khaatumo guuleyso guuleyso guuloyso idoorow jab jab jab gaber kaama hadho