Xaflad loogu dabaaldegayo sanadguuradii koowaad ee ka soo wareegtay aasaaskii Khaatumo State oo ka dhacday Oslo(DAAWO+SAWIRO)
|
Xaflada oo ay ka soo qaybgaleen taageerayaasha Khaatumo iyo dadwayne matalayay qaar ka mid ah jaaliyadaha Norway ayaa waxaa ka hadlay qaar ka mid ah hogaanka Khaatumo oo laga xusi karo Abdirashiid Mohamed Farah oo ka mid ah aasaasayaashii Khaatumo. Waxaa kaloo goobta ka hadlay Bashir Awjaamac oo ah hogaamiyaha Khaatumo Norway. Dadkii kale oo u hadlay jaaliyadaha ayaa waxaa laga xusi karaa, Shahar oo ka socda G10, Mahad oo ka socday Saylac iyo Lughaye State, Ciiro oo ka socday Puntland Diaspora Forum, Mahad oo ka socday Xisbiga Tayo iyo madax kale. Xaga suugaanta ayaa waxaa wacdaro ka dhigay goobta Dunio oo buraambur u tirisay Khaatumo iyo Hussein Nuuriyoow oo dadka madadaalinayay. Khaatumo State of Somalia waxaa la aasaasay 11.01.2012.
Hoos ka daawo masawirada/usoo laabo video |



































































wooooooooow xaflad aad u wangsan baa oslo ka dhacdey gobnimo
sanad wangsan dhamaan reer khaatumo sandka sankiisa ilaahey ha inagu gaarsiyo cafimad iyo barwaqo amiin amiin