Dabaaldegga xafladda sanadguur-adii 1-aad ee KHAATUMO STATE oo ka dhacday Oslo (Sawirro + Video)
| Waxaa xalay ka dhacday caasimadda dalka Norway ee Oslo xafladda sanadguuradii koowaad ee aas-aaska maamulka KHAATUMO STATE OF SOMALIA. |
|
Xafladdan ayaa waxaa ka soo qeyb-galay dhamaan jaaliyaha soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Norway, iyadoona ay sidoo kale jireen martisharaf kale oo ka kala yimid magaalooyinka kale ee Norway iyo waliba meelo ka baxsan dalka Norway. DAAWO FILMKA:Xafladda ayaa waxaa khudbado ka jeediyay madaxda jaaliyadda Khaatumo ee Norway, waxgarad, odayaal, haween iyo martisharaf kale kuwaas dhamaan hambalyo u diray maamulka iyo madaxda KHAATUMO STATE. Sidoo kale waxaa xafladda hadal qiimo badan ka jeediyay masuul ka socday golaha sare ee maamulka Khaatumo kaas oo lagu magacaabo Dr. C/rashiid Macallin Faarax. NB: Khudbadaha iyo jawiga ay xafladdu u dhacday waxaad kala bogan kartaa filmka kore. Sawir / film qaade: Deeq C/laahi
|


















































