afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
2:46 pm | Posted by

Daawo Sawirada”In kabadan Kun Qof oo lala xariirinayo Al-Shabaab oo Maanta Muqdisho lagu qab qabtay lana soo bandhigay

Ciidamada Dowlada Soomaaliya oo iskaashanayay ayaa Maanta Howlgalo saf balaaran ah waxa ay kasameeyeen Xaafado katirsan Degmada Wadajir ee Gopbolka Banaadir.

Howlgalkan oo ahaa mid Qorsheesnaa ayna fulinayeen Ciidamada Nabad Sugida ,Booliiska iyo Milatariga Soomaaliya ayaa saakay Aroor hore xili dadku badi hurdeen waxa ay ka bilaabeen Xaafadaha Buulo Xuubeey iyo Nasteexo oo katirsan Degmada Wadajir.

Howlgalka ayaana ahaa mid lagu qabanayay waxii dhalinyaro magacooda sheegta iyadoona aan xiligaasi loo kala saareyn arday ,mid shaqeeya iyo mid kalaba dhamaana lagu gurayay gaariyaal shabaqlayaal ah ay wateen Ciidamada Dowlada.

Saldhiga Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir oo inta badan la geeyay dadkii Howlgalka lagu soo qabtay ayaa saraakiil katirsan Booliiska iyo Nabad Sugida waxa ay sheegeen on Howlgalka lagu soo qabtay in kabadan 1,700-qof oo looga shakisnaa ku lug lahanashaha falalka amaan dari ee Magaalada ka dhaca iyo xiriir kala dhaxeeya Al-Shabaab.

Saraakiisha ayaana sheegay inta badan in dadkii lasoo qab qabtay lasii daayay kadib baaritaano lagu sameeyay iminkana gacanta lagu hayo Boqolaal katirsan Dadkii lasoo qabtay oo tuhuno dheeraad ah lagu hayo lana marsiinayo baaritaano dheeri ah.

Shalay ayey aheed markii Howlgal kan lamid ah laga Sameeyay Xaafado katirsan Degmooyinka Hiliwaa iyo Yaqshiid laguna soo qab qabtay in kabadan 500-qof kuwaa oo qaarkood lasii daayay kadib markii dambiyadii loo heestay lagu waayay kuwa kalana xabsiga loo sii gudbiyay.





 

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM