DAAWO+Video;-Cali khaliif Oo waraysi Xaasaasi ah Siisyay tvga Somalichannel
Halyeyga cali khaliif galeyr oo xalay uwaramayay Telefishinka Somali Channel .Dr Cali Khaliif Galayr oo uu Soo saaraha Barnaamijka Falanqayntu wax ka weydiiyay arrimo Dhawr ah oo ay kamid tahay Wadahadalka Maamulka Soomaaliland iyo Soomaaliya ayaa sheegay in aanay wadahadaladaasi ku imaan Karin guddi ay soo xulaan Siilanyo ee Soomaaliland iyo Guddi uu soo magacaabo dhinac katirsan dawlada , waayo Xukuumada Siilaanyo ma matasho ayuu yiri gobolda Waqooyi ee Soomaaliya.
Waxaa kale ee uu Cali khaliif eedeeyn u jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud oo uu sheegay in aanu si fiican uga hadlin Somaliland markii uu ka hadlayay wadahadalo dhex mara dawlada Dhexe ee Soomalaiya iyo Somaliland .
Madaxweynuhu waa uu u hambalyeeyay Somaliland , mana aanu ka hadlin dhibaatadii baaxada lahayd ee ay Maamulka Siilaanyo ka gaysteen Gobolada Hoosyimaada Khaatumo State ayuu yiri Cali khaliif oo u arka sharuudaha ay wadahadalada ku xireen Somaliland mid aan sax ahayn loona baahan yahay in Dawlada Soomaaliya ka jawaabto.
HALKAN HOOSE KADAAWO CALI KHALIIF
