Qaybtii 1aaad: Maxaad Kala Socotaa Halgankii Dheeraa Ee Daraawiisheed(Maqaal Muhiima)
Ugu Horayn Waxaa Mahadoo Dhan Iska Leh Eebe Mahada Eebe Kabacdi Waxaa Isna Xusid Inaga Mudan NNKH Kaas Oo Ina Soo Gaadhsiiyay Diintan Islaamka Ah Ee Aynu Maanta Kusuganahay.
Intaas Kadib Waxaan Halkan Idinka Soo Gudbino Halgankii Dheeraa Ee Ay Soo Galeeen Dadwaynihii Iyagu Markaas Lamagac Baxay Daraawiish Kuwaas Oo Uu Hormuud Uahaa Sayid Mohamed Abdule Hassan Hadaba Halkan Waxan Kusoo Qaadanaynaa Taariikh Kooban Oo Kusaabsan Halgankii Daraawiisheed.
Hadaba Su,aalaha Iswaydiinta Mudani Waxay Yihiin Sayid Mohamed Abdule Hassan Waqtigee Ayuu Dhashay? Halkee Ayuu Kudhashay? Hoyadiis Magaceed? Heerkee Ayuu Soo Maray Halgankii Daraawiisheed? Iwm Hadaba Anigoo Su,aalahaas Kajawaabaya Ayaa Waxay Udhacday Sidatan.
Sayid Mohamed Abdule Hassan Waxa Uu Kudhashay Markey Sanadii 1855 Waxaana Uu Dhashay Guga Lamagac Baxay (Gubaysane) Oo Ahaa Gu Barwaaqo Ah Oo Dadka Iyo Duunyaduba Hanaqaadeen Wuxuuna Kudhashay Sayidku Baliga Loo Yaqaan (Sacmadeeqo )Oo Qiyaaskii (7)Mayl Ujira Magaalada Buuhoodle Sidoo Kalena Dhanka Waqooyi Kaxiga Isla Magaalada Buuhoodle Hooyadiisa Waxaa La,odhan Jiray (Caramagan Seed)Sidoo Kale Saydiku Waxa Uu Quraanka Kubartay Meesha Uu Markaas Kudhashay Isagoona Cilmiga Kale Karaacday Xer Iyagu Markaas Fadhiyi Jiratya Nugaal Xarunteeda Ugu Wayna Ay Ahayd Dooxada Casuura IyoYaaheel.
Sanadkii 1892 Ayaa Waxa Uu Raacay Sayidki 13wadaad Oo Ay Iksu Xer Ahaayeen Kuwaas Oo Labo Gu Dheeraad Ay Kumaqnaayeen Magaalooyinka Maka Iyo Madiina,Sanadkii 1895 Ayaa Waxa Uu Sayidku Kusoo Laabtay Gayiga Soomalaiya Isagoona Kasoo Degay Xeebta Berbera Oo Waqtigaas Ay Kusugnaayeen Muslin Iyo Gaalaba.
Sida Taariikhda Lagu Sheegay Ayaa Ahayd Waqtigii Uu Saydiku Kasoo Dageyay Xeebta Barbara Ayaa Ingiriiku Sayidku Ku Amray Inuu Bixiyo Cashuur Kabacdi Ayaa saydiku Ugu Jawaabay Adiga Yaa Cashuurtii Kaa Qaaday Markad Halkan Kasoo Dagaysay Sidaa Darteen Ninkii Afceliyaha Ahaa Ayaa Gaalkii Kuyidhi Waa Wadaad Waalane Inaga Siidaa Sidaas Ayayna Gaaladu Maalinkaas Wixii Kadanbeeyay Ugu Bixiyeen Wadaadkii Waalnaa Luuqada Englishkana Looga Yaqaan(Mad Mullah).
Hadaba Halkan Waxan Idinka Soo Gudbinaynaa Bilawgii Dagaaladii Daraawiisheed Iyo Midawgii Ingiriiska Iyo Waqtiyadii Ay Dhaceen.
Afbakayle 03 – 05 – 1901
Fadhiddin 16 – 07 – 1901
Beerdhiga 10 – 08 – 1902
Cagaarweyne 17 – 04 – 1903
Daratoole 18 – 04 – 1903
Jidbaale 10 – 01 – 1904
Ruuga 09 – 10 – 1913
Dayuuraddii – 01 – 1919
Hadaba Waxan Halkan Idinka Soo Gudbinaynaa Sayidka Iyo Asxaabtiisii Iyagu Halganka Iyo Dagaalka Dheer Kula Jiray Midawgii Ingiriiska Waqti Ay Dadka Intooda Badan Ay Sayidka Ku Eedeenayeen In Uu Saydiku Uu Yahay Nin Dhiigyacab Ah Isla Markaana Shisheeye Iyo Xigaalba Uusan Cidna U Aaabo Yeelayn Iyadoona Dad Badan Oo Umada Hada Joogtaa Ay Fikradaas Gaabani Wali Kadhaadhacsan Tahay Ayaa Waxan Halkan Idinku Soo Gudbinaynaa Qaar Kamida Gabayadii Iyo Maansooyinki Uu Tiriyay Saydiku Xili Isaga Iyo Asxaabtiisu Ay Halganka Ugu Jireen Ladagaalanka Dadyawga Gaalada.
Eebbow geyiga oo dhan waa nalaga guulaaye
Waa noo gedleeyaan dadkii gaalada ahaaye
Eebbow Giriig kolay ku tahay nala gamuunneeye!
Go’na lagama qaadine dulmay nagu gelaayaane
Gabbaad kale hadday noo helaan waa gam’i lahayne
Eebbow waxay nagu gabreen diinta soo gala e!
Eebbow garka haddaan qabsaday gaaxshe nabaddiiye
Eebbow gammaan iyo waxaan gini-cas dhiibaayey
Eebbow garow kagama helin goolashadaan wadaye!
Ganbalaaligii bay warmaha nagu garraaxeene
Eebow waa gumaadeen raggii gaanaha ahaaye
Eebbow waxay gebawareen Gaaguf iyo Xayde!
Xirsigii garaaraha lahaa Gaarrufkii dile e
Geydhaale Aw-Aadan bay galawga taabteene
Eebow geesigii Ina-Dherey ugu guduudsheene
Guxushaaga Baynaxa ilmadu waa tan gabaxlayne
Gorroska Muuse-taaganaa wadnuhu ila gariiraaye
Eebbow ways gamaamaa markuu gaarka soo maro e
Sanadi 1905 Ayaa Waxa Uu Sayid Mohamed Abdule Hassan Saxiixay Heshiis Uu Ku Ogaalanayo In Xoogii Daraawisiheed Ay Katalinayaan Dhulka Nugaal Sidoo Kalena Ay Balan Qaadayaan Inaysan Fara Galin Dhulkii Uu Katalinayey Ingiriisku Lee Cassaneli Waa Qoraa Caana Waxa Uu Sheegay In Dadka Waayo Araga Ahi Ay Kukala Tagsanaayeen Qiimaynta Shirkaasi Qaar Baa Waxay Qabaan In Sayidku Uu Ugaly Shirkaas Si Uu Uabuuro Ciidan Dhisan Wuxuuna Sheegay In Sayidku Xiriir Qarsoodiya Layeeshay Biyomaalka Hub Fara Badana Siiyay.
Aragtidan Sida Ah Marka La,eego Waxay Dhab Noqonaysaa Sidii Uu Sayidku Ula Dhaqmay Saldanadii Cali Yuusuf Keenadiid Oo Ahayd Mid Colaadeed.
Sanadii 1905 Bishii Febarwary Waxa Uu Ingiriisku Helay Warar Dhuhlayna Kaas Oo Uu Usoo Gudbiyay Signor Olivo In Daraawiishtu Dagtay Garacad Saydika Laf Ahaantiisuna Uu Halkaas Isna Dagay
Xoogaga Daraawiisheed Waxay Uarkayeen Garacad Dagal Xeebeed Leh Marso Abuurriin Ah Oo u Sahli Karta Helitaanka Hubka Iyo Dhaqdhaqaaqa Ganacsiga.. Signor Olivo Wuxuu Qoray In Cavaliere Pestalozza Uu Aaday Hobyo Si Uu Suldaan Cali Yuusuf Ula Tashado. Waxaa Kaloo Jiray Dhambaallo Sheegaya Dhibabkii Reer Mahad Garacad Kala Kulmeen Ka Dib Markii Xoolahoodii Ay Daraawiish Dhacday.
Sanado Iyo Mudooyin Badan Awgeed Waxay Xoogagii Daraawisheed Awoodeen Inay Jiritaan Buuxa Oo Qoto Dheer Kuyeehaan Mudug.
Guulihii Badnaa Ee 1905 Kadib Waxa Ay Daraawiishtu Kadhisatay Garacad Iyo Jariiban Qalcado Waxaana Sidoo Kale Kamid Ahaa Qorshayaashii Adkaa Ee Daraawiisheed Inay Saldhigyo Kuyeelato Xeebaha Mudug Si Ay Uhantaan Dhulalka Gudaha Ah Ee Kucaan Baxay Maashiyada Iyo Waliba Dhanka Ganacsigaba.Waxaa Kaloo Iyana Jiray In Reerihii Daganaa Mudug Ay Muujiyeen Madax Adayg Iyo Waliba Uhogaamis La,aan Suldaan Cali Yuusuf.
Laga Bilaabo Sanadkii 1902 Waxay Daraawiishtu Weeraro Kuhaysay Fariisinada Cali Yuusuf Ee Mudug Si Ay Uciqaabto Qalooyinkii Iyagu Kasoo Horjeestay Jihaadka,Bishii Sep 1902 Waxaa Ay Xoogagii Daraawiisheed Ay Weerareen Qalcadii Cali Yuusuf Ee Mudug Iyagoona Gacanta Kusoo Dhigay Qalcadasi Hadaba Wararkii Uu Ingiriisku Helay Ayaa Sidan Ahaa.
<<Guulahaan Daraawiisheed Dartood Waxaa Kor u Kacay Sumacaddii Wadaadka Ee Tolalkii Koonfurta Iyo Galbeedka Mudug Degganaa “. Col. Siwayne wuxuu Rumeysnaa In Tani Ku Tahay Dharbbaaxo Cali Yuusuf Wuxuuna Soo Jeediyay In 600 Oo Askari Oo Suudaan Ah Oo Wata Afar Madfac La Geeyo Hobyo Si ay U Kaaliyaan Suldaanka MaWeerteen. Qabsashadii Daraawiish Ee Miyiga Mudug Ma Raagin. Waxaa Ka Saaray Ciidan Uu Wato Gen. Mannig’s Oo Hobyo Ka Dagay Bilawgii Ololihii 3aad Ee Ingiriiska. Laakiin July, 1904tii Kaalinkii Cali Yuusuf Ee Gaalkacyo Wuxuu Noqday Midaan Xasilloonayn Mar Kale Wuxuuna Si Wayne Diray Dhambaal Uu Ku Sheegay In Suldaankii Kaba Gurtay Gaalkacyo Isagoo Ku Macneeyay Inuu Hobyo U Baqay Uuna Difaaceeda Isu Aruurinaayo. Suldaanku Wuxuu Ku Celiyay Codsigiisii Qoryaha Wuxuuse S i Wayne Qabay Inuu Haysto Qoryo Ku Filan.
……………………Dhamaan Qaybtii 1aad…………………..
By: Mohamud Salad Mohamed(Mohamud Awowe)
Waxaan la yaabanahay waxa Dhulbahantaha isaga dhaadhiciyeen in eey wax ahaayeeyn 1900 iyo hada oo aan mareyno2013 eeynan waxba aheyn. Illaa maantada aynu joogno Dhulbahantaha waa laheystayaal Somaliland iyo Puntland. Reerkan waa dad gaajeeysan!