afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
5:41 pm | Posted by

Daawo+Sawiro;-Magaalada Kampala Oo Siwayn Looga xusay Sanad Guuradii Khaatumo

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu xusayo sanad guuradii koowaad ee kasoo wareegtay aas-aaskii maamul goboleedka khaatumo state of somalia ayaa habeenkii xalay ahaa lagu qabtay hotelka caalamiga ah ee equetoria oo ku yaal  magaalada kampala ee xarunta dalka uganda

Xafladan waxa kasoo qayb galay guud ahaan jaaliyadaha soomaalida ee ku dhaqan gudaha dalka uganda oo ay ka mid yihiin galmudug state, awdal state, maakhir state,dawlada deegaanka soomaalida ee dalka eithopia,ganacsatada soomaaliyeed, ardayda,iyo haweenka oo aad uga dhex muuqday

xafladaas lagusoo bandhigay heeso,  ciyaaraha dhaqanka iyo hidaha, riwaayado ka hadlaya midnimada iyo muhiimada nabadu leedahay.

Riwaayad iyo heeso dadka ruxay ayaa abwaanka da’da yar abdirazak Buureed
Iyo cawaale abdi diriye iyo hablaha khaatumo ooku lebisnaa calanka soomaaliya iyo kan khaatumo soo bandhigeen Dadkuna aad ula dhaceen
sii hayaha xilka gudoomiyaha ahna gudoomiye ku xigeenka dhalinyarada jaaliyada khaatumo ee dalka uganda cumar awdaahir xaaji xasan oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa soo jeediyay ayaa ku nuux nuuxsaday waxyaabaha u qabsoomay mudadii maamulka khaatumo uu jiray,

.isagoo xusay aqoonsiga maamulka khaatumo,

.furitaanka garoonka diyaaradaha ee degmada taleex,

.ka qayb galka baarlamaanka somalia xubno metela shacabka khaatumo,

.balaadhinta maamulka iyo dhisida laamaha amaanka,

sidoo kale wuxu tilmaamay waxyaalaha laga sugayo khaatumo oo ay ugu horayso soo celinta magaalada lasanod, isagoo u hambalyeeyay shacabka khaatumo meel walba oo ay joogaan.

Dhamaan jaaliyadaha kale ayaa amaan iyo soo dhoweyn iyo halgankii ay shacabka khaatumo usoo galeen midnimada soomaliya ku xusay hadaladooda

Xafladan sanad guurada khaatumo lagu xusayay oo uu xidhiidhinay Weriye Abdullahi Qalinle ayaa sheegay inaysan bisha january ahayn markii khaatumo la dhidbay oo kaliya balse ay dhacdooyin xasuus weyn kuleh bishan oo kale ay jiraan isagoo xusay
.in bishii january ee 1899kii ahayd markii ay ciidamo daraawiish ah oo gaadhayay 3000 oo halgamaa ay u istaagaan difaaca dalkoooda iyo diintooda ay Is Urursadaan
.kowdii january 1900kii  dagaalkii ugu horreeyey  ayay daraawiish ku qaado sancadaalihii gumaystaha kaas oo ka dhacay HARA-DHIIG halgankaas oo socday 21sano
.21kii January 1920kii ay diyaarado dagaal oo ingiriisku lahaa ay duqeeyaan TALEEX iyo JIIDALI taas oo noqtay markii ugu horreysay oo qaarada afrika la duqeeyo

Aadan jaamac oogle oo ah weriye ayaa ka sheekeeyey dhibaatadii weriyayaasha sanadkii tegay llogu gastay soomaaliya  isagoo si gaar ah uga tacsiyeeyey bulshada khaatumo geeridii weriyayaasha Jaamac Maxamed Jeelle iyo Maxamed cali cilmi oo shil gaari ku dhintay iyo weriye axmed saakin faarax oo lagu dilay laascaanood 23 october ee sanadkii ina dhaafay
Dhamaan dadkii ka hadlay sanad guurada khaatumo ayaa bogaadin amaan usoo jeediyay shacabka khaatumo kuna booriyay inay sii wadaan midnimada soomaaliya

Xafladan oo lagu tilmaamay tii ugu wanagsanayd abid ee ka dhacday wadanka uganda qaabkii qabanqaabada, xusiddii qaab dhismeedka, waxqabadkii u qabsooomay,Taariikhdii Halganka reer khaatumo usoo galeen gobonimo doonkii ee lagu soo bandhigay

Ardayda khaatumo ee wadanka uganda ayaa ka dhexmuuqday munaasabadan isagoo gudoomiayaha ardayda cabdi qani cumar cadde hadal aad loogu riyaaqay kasoo jeediyay goobtaas taabtayna in ardaydu ay wax u baranayaan sidii ay dalkooda ugu horseedi lahaayeen horumar iyo wax qabad

Gudigii Qaban Qaabada ayaa ka dhex muuqday xaflada kana sheekeeyey dadaalkay muujiyeen waxaana aan ka xusi karnaa gudigaas

.axmed maxamed jaamac,catooshe xiis,Khaliif yare,SAbdirazak Hurre, Saciid maxamuud warsame Faadumo saciid cawed baraar, Rooda dhegoyare,Khadiija maxamed

 

Xafladan lagu xusayay sanadguurada khaatumo ayaa lagusoo xidhay astaanta qaranka soomaaliya ee heesta calanka soomaaliyey toosoo

DSC00213DSC00217DSC00221DSC00228DSC00236DSC00242DSC00242DSC00255DSC00263DSC08655DSC08660DSC08663DSC08664DSC08675DSC08675DSC08687DSC08696DSC08722DSC08723DSC08740IMG_2701IMG_2723IMG_2734

 

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM