afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
3:56 pm | Posted by xudun

Duqayn loo geystay Taliska Guud ee maleeshiyada SNM iyo Gen Shaqale oo halhaleel lagula baxsaday

Dagaal Muddo Saacad ah Socday oo Mujaahidiinta Xoogaga Khaatumo oo adeegsanaya Qoryaha Lidka Diyaaradaha iyo Madaafiicda Lidka gawaadhida Gaashaaman ay ku bartilmaameedsadeen Taliska Maleeshiyada SNM ee Xudun ayaa Goordhoweyd joogsaday.

Dagaalkan oo Bilaabmay 4tii galabnimo ayaa  sida uu tibaaxayo Wararka laga helayo Saraakiisha dagaalka ee Maamulka Khaatumo waxa fariin uu u ahaa taliyaha Guud ee Maleeshiyaadka SNM Gen Shaqale oo saaka soo Gaadhay Saldhigyada maleeshiyada SNM. waxana sida wararka hoose ee laga Helayo Horgalada SNM ay Tibaaxayaan in Gen Shaqale uu halkaasi u yimid si uu u Dhameeyo Khilaaf soo kala Dhex galay Saraakiisha Goobta ee Maleeshiyada SNM.

Dadka ku Dhaqan degmada Xudun oo badankoodu u Baxay Duleedka Magaalada kadib markii ay Maqleen Sanqadha qoriga 37,ka loo yaqaano  oo ay Adeegsanayeen Ciidamada Maamulka Khaatumo ayaa cadaynaya in rasaastu ay si toos ah ugu Dhacaysay Taliska Maleeshiyada SNM, kadibna la arkayay 5 Gaadhi oo Afar kamid ah ay ahaayeen kuwa yaryar ee qoryaha darandooriga u dhacaa ay Saaranyihiin iyo hal Gaadhi oo uu saarnaa Gen Shaqale inay u baxsadeen Dhanka iyo tuulada Lafweyne.

Maleeshiyada SNM ayaanay u suuro gelin inay ka jawaabaan Rasaasta kaga soo Dhacaysay dhanka Ciidamada Maamulka Khaatumo, waxana ay Rasaas cadho ah dulmariyeen Caruuro iyo Dumaro daawanayay Dagaalka oo u baxay Duleedka Bari ee Magaalada.

Dagaalkan Mudada Saacada ah socday ee lagaga naxsaday Maleeshiyada Doolka ah ee SNM ayaa imanaya Xili Khilaaf ba,ani ka dhex jiro Saraakiisha Maleeshiyada SNM, taasi oo keentay in Maalinimadii Shalay Gaadhi ka mid ah kuwa Dagaalka ee Maleeshiyada SNM uu u baxsaday Dhanka Tuulada Ceel afweyn.

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM