afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
1:36 pm | Posted by

Muwaadin U Dhashay Khaatumo Oo Loo Doortay Barlamaanka Magaalada Geneva, Switzerland-

fidhbool_sGeneva,Waxaa ka dhacay magaalada   dalka Switzerland, munaasabad lagu dhaariyey Xildhibaan Soomaali Ah

Oo loo doortay inuu kamid noqdo xildhibaanada Barlmaanka Dawladda Magaalada Geneva.

Arrintan ayaa ah markii ugu horeysey ee taariikhda dalka Switzerland uu ka noqdo xildhibaan qof Soomali ah.

Ahmed Jama Fidhbool wuxuu ku guulaystay inuu noqdo soomaligii ugu horeeyey ee dadaalkiisu uu gaadhsiiyey inuu jabiyo cunsuriyada ajaanibka lagu hayo, isagoo sameeyey dhex gal bulshada uu la noolyahay, taasoo keentay inuu u tartamo kursiga Xildhibaanimada..

Xildhibaan Axmed ayaa kamid ahaa ergooyinkii ka qaybgaly shirkii Taleex ee lagu aasaasay maamulka Khaatumo, halkaasoo uu kasoo jeediyey talooyin aad loogu riyaaqay.

Mudane Axmed ayaa sidoo kale dhowaan kasoo noqday safar uu ku tegay magaalada Muqdisho, isagoo kulamo halkaas kula qaatay madaxda sare ee dawladda Soomaaliya.

Horumarkan Axmed gaadhay waxay guul u tahay shacabka reer khaatumo meel kasta oo ay joogaan, iyagoo maalmahan u dabaaldegaya Sanadguuradii 1aad ee maamulkooda Khaatumo State, inay arkaan dhalinyaradoodii oo meelo sare ka gaadhay wadamada ay ku noolyihiin.

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM