Xarakada Al-Shabaab oo shaacisay iney qaarajisay Dens Alex oo ahaa la heystihii Faransiiska
Xarakada Al-Shabaab ayaa war soo saartay ku shaacisay inay xukun dil ah ku fulisay Dens Allex oo ahaa la heyste Faransiis ah oo muddo sadex sano ah u afduubnaa.
Bayaan ka soo baxay Al-shabaab oo lagu shaaciyey barta ay ku leeyihiin Twitterka ayey ku sheegeen in Dens Alex lagu dilay degaanka Buulo mareer xalay abaara 7:30 fiidnimo, iyadoo bayaankaas lagu xusay in dilkiisa ay fuliyeen ciidamo gaar ah.
Bayaanka laguma xusin qaabka loo dilay Dens Alex hase ahaatee waxaa lagu sheegay iney dhowaan soo bandhigi doonaan codad iyo muuqaalo ay ka duubeen Dens alex ka hor inta aysan dilin kuwaasoo cadeynaya inuu noolaa ka dib weerarkii lagu fashilmay ee ka dhacay Buulo mareer.
Al-Shabaab ayaa sheegtay in dilka Dens Alex uu jawaab u yahay weerarkii fashilmay ee dhowaan ciidamada Faransiisku ka fuliyeen degaanka Buulo mareer kaasoo la doonayey in la heysatahaas lagu soo furto.
Faransiiska ayaa sheegay weerarkaas ka dib in labo askari oo qeyb ka ahaa howlgalkaas iyo Dens alex oo ahaa la heystaha ay soo furan rabeen ay ku geeriyoodeen howlgalkaas hase ahaatee Al-shabaab ayaa sheegtay xiligaas inuu nool yahay Dens Alex iyagoo shalayna shaaciyey iney dil ku xukum