afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
6:42 pm | Posted by

DAAWO SAWIRADA:Ururka Ardayda dhakhaatiirta ee wadanka china oo doortay gudoomiyihii 4aad

Changchun. Xalay oo ay ku beegnayd taariikhdu 14/01/2013 ayaa xaflad aad loo soo agaasimay ka dhacay hotel Hui su,

Xafladan oo ay ka soo qayb galeen ardayda jaamacadaha gobolka jilin, iyo marti sharaf kale oo ka timi gobolo kale oo dhaadheer oo isugu jiray Dhakhaatiir iyo Enginero.

U jeedada isku imaatinkan ayaa waxa uu ka tarjumasay hab wanaaga iyo isku xidhnaanshaha aradayda soomaaliyeed ee wadanka china.

U jeedada xaflada ayaa waxay ahayd in sanad walba xilligan oo kale la doorto gudoomiye cusub.

Furitaankii xaflada waxaa hadalo ka soo jeediyay guddidii doorooshooyinka oo ka waramay muhiimada ay leedahay in lagu dhaqmo qaab dimiqraadi ah oo xalaal ah meel walba oo wax lagu dooranayo.

Sidoo kale waxaa hadalo ka jeediyay marti sharafka Eng. Maxamed Deeq muse oo isaguna si wanaagsan uga hadlay qiimaha ay leedahay walaaltinnimada iyo isku xidhnaanshuhu, Dr mustafe ayaa sidoo kale hadal qiime leh oo ku wajahan ardayda dhakhaatiirta guubaabo iyo hawl wadaag kula dardaarmay.

Gudoomiyihii hore ee xilku ka idlaaday Yuusuf Huessein Nur ayaa isaguna waxqabadkiisii xusay, dardaarana uga tagay Ardayda.

Waxaa sidoo kale khudbad ka hadalysa waxqabadkiisa mustaqbaleed iyo taariikh nololeedkiisa soo jeediyay Guddoomiyaha xilka la waregay ee ururka SSUJ Dr AHMED NOUR WARSAME IDLE , sidoo kale wuxuu IN badan ka hadaly wanaaga ay leedahay midnimadu iyo wada shaqaynta dhakhaatiirta.

Waxaa sidoo kale hadalo ka soo jeedaiyay dhakhaatiir kale, iyo waliba suugaan ka hadlaysa wakhtiga dhalinyarada iyo wadanka.

Gabagabadii waxaa soo xidhay xafladan guddidii doorashada oo cadeeyay in si dhib yar ay ku dhamaatay doorashadu maadaama hal musharax uun ahaa sidaana uu xilka kula wareegay Dr Ahmed nour warsame idle oo hayn doona xilkan muddo hal sanno ah.

HALKANI HOOSE SAWIRADA KA DAAWO121234567891011

 

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM