Warar Dheeraad Ah Kasoobaxaya Dagaalkii Xalay Kadhacay Duleedka Laascaanood
Wararka Naga soogaadhay Magaalada Laascanood ayaa sheegaya in Dagaal laysu adeegsanyey hubka waaweyn iyo ka yaryarba ayaa saqbadhkii xalay ka bilaabmay cidhifka koonfureed ee magaaladda Laascaanood xarunta gobolka Sool.
Dagaalkan oo bilawday 2:45 daqiiqo ayaan ciidamasa Muulka Khaatumo ay kuqad.een fadhiisin ay kuleeyihiin duleedka laascaanood ciidamada maleeshiyaadka SNM.
Dagaalkan ayaa lagu soowaramayaa In ciidamada Maleeshiyada SNM uu Xalay Kasoo gaadhay Khasaare aad U baahsan iyadoo Lasheegayay In halkaa Xalay Lagu arkayay Holac Kabaxay.
Wararka ayaa intaas ku daraya in Saaka Lagu arkayay Gobtaa ay fadhisinka kuleeyihiin ciidamada Maleeshiyada SNM inay Mayd tiro badan halka,Lasheegayo inay dhawaac Badan uqateen dhinacaayo magaalada burco.
.
Dagaaladan u dhexeeya maamulka Khaatumo iyo Somaliland ciidamadooda ayaa mudooyinkii danbe soo xoogaysanayey iyadoo maalinimadii shalay iyo habeenimadeedii duleedka degmada Xudun laga maqlayey daryanka Rasaasta, halka Afar habeen ka horna ay sidoo kale ciidamo ku sugan tuulada Ganbadhe oo bari 30Km laascaanood kaga aadan iyagana minrta gaadahu Saamaysay.