(Daawo Weerar naxdin leh )Siyaasi Bulgaariya u dhashey oo toogasho ka badbaadey isgaoo qudbaynaya
Hoggaamiyaha Dhaq-dhaqaaqa Xuquuqda iyo Xoriyada MRF ee dalka Bulgaariya ayaa si la yaableh uga badbaadey weerar lagu nin ku heubysnaa Baastoolad ku soo qaadey. Siyaasiga oo hadlaya hoosna u jeeda ayaa markii ninka weerarka ku soo qaadey dul yimid indhihiisa ku dhuftey Baastoolad dhafoorka looga hayo, waxaana uu markiiba bilaabey in uu gacanta ka horgeeyo, kadibna dhulka iskula dhacaan isaga iyo ninkii soo weerary, waxaa isla markiiba ka soo gaarey niman amaanka qaabilsan, waxaana ay dhulka dhigeen ninkii weerarka geystey iyaga oo ku daaley sidii ay u garaacayeen, waxaana goobta laga qaadey isaga oo xaaladiisu liidato.
Ahmed Dogan ayaa asal ahaan ka soo jeeda dalka Turkiga, muddadii Shuucigu ka talainayeen dalka Bulgaariya waxa uu ku jirey Xabsiga waa siyaasi caan ah oo si weyn looga yaqaano Bulgaariya.
Ninka weerarka siyaasiga ku qaadey ayaa lagu magacaabaa Oktai Enimehmedov, waxaase mar danbe la sheegay in nooca baastoolada uu watey ay ahayd nooca Gaaska, waxaana Booliska dalka Bulgaariya sheegeen in ay ka heleen laba Mindiyood, ninkan ayaa isaga qudhiisu ka soo jeedaa asal ahaan dalka Turkiga.
Halkan riix Oo Daawo Video-ga