Warsira Oo laga Helay Madaxda Kenya Ayaa sheegaya in soomaalida magaalada Nairobi In Berito Oo isnin Ah laraafayo..
| Warqad ka soo baxday xafiiska madaxweynaha dalka Kenya ayaa waxaa ku cad in raafkii ugu weynaa uu bilaaban doono maalinimada Isniinta ee taaariikhdu tahay 21/01/2013. |
| Waxaa ku xusan warqadaas kasoo baxday xafiiska madaxwaynaha in wajiga hore ee hawshaan lagu qabqaban doono 18.000 oo qaxooti somaaliyeed ah oo ku nool magaalooyinka waawayn ee dalka Kenya kadibna la geyn doono xeryaha Dhadhaab iyo Kakuuma, iyadoona loo sii gudbin doono wadamada ay u dhasheen.Arintaan ayaa waxay ku soo aadaysaa xilli la kala diray baarlamaankii wadanka Kenya oo ay soo dhaw dahay doorashadii guud ee wadanka taas oo dhici doonta march 4-teeda 2013.
DAAWO DIGNIINTA:
Aintaan waxay walaac weyn ku abuurtay dhamaan soomaalida qaxootiga ah ee ku nool wadanka Kenya gaar ahaan soomaalida xaafadda islii. Waxaa ka hadlay arinkaan Farah Macalin oo asagu ka mid ahaa baarlamankii wakhtiisa dhamaadey, aad ayuuna u dhaleeceeyey. Wuxuu sheegay in arrintani ka baxsan tahay bani adamnimada iyo waliba heshiiski UN CONVENTION. Isku soo wada duuboo soomaalida Kenya dhagtaa u taagan iyo biri subax maxaad ku waabariisan doontaa. |
