Sawiro: Dabaal Degii Khaatumo Ee Maanta Gil gilay Nairobi
Waxaa Galabta lagu Qabtay Munaasibad Balaadhan oo Loogu Dabaal Degayo Sanad Guurada Maamulka Khaatumo State Of Somalia Magaalaada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya.
Munaasibadan oo Si Heer sare ah Loo Soo Agaasimay Ayaa Waxaa Kasoo Qayb Galay Isimo, Masuuliyiin, Ganacsato , Siyaasiyiin, Ururo, iyo Dhamaan Qaybaha Kala Duwan ee Buslhada Soomaaliyeed.
Waxaa Halkaasi la Jeediyey Qudbado Dhinacyo Badan Taabanaya Kuwaas oo Laga Jeediyey Munaasibada Loogu Dabaal Degayey Sanad Guurada Khaatumo State.
Waxaa Siwayn Loo Hanbal yeey Halyeeyada Deeganada Khaatumo State Dhamantood kuwaas oo istaagay Soo Celinta Karaamada iyo Sharaftii Bulshada Gobolada SSC.
Dhinaca kale Waxaa Lagu Lafa Guray Arimo Badan oo Quseeya Masiirka Iyo Horumarka Looga Baahan yahay In Laga Gaysto Deeganada khaatumo State.
Islamarkaana Waxaa Hanbalyo Culus Loogu Diray Madaxda Qaranka Soomaaliyeed , Iyo Horumarka Balaadhan ee Usoo Hoyday Bulshada Soomaliyeed taas oo ku aadan Aqoonsiga Rasmiga ah Ee Dawlada Maraykan ku Siisay Dalka Soomaaliya.
Shacabka Khaatumo State ee Ku Dhaqan Magalada Nairobi Ayaa Siwayn Umuujiyey Dareenkooda Farxadeed ee maanta iyadoona Halkaasi Lagu Soo Bandhigay Ciyaaraha Hidaha iyo Dhaqanka, Buraan Buro, Gabayo iyo Wacdaro kale oo Qayb ka ahaa Dabaal Dega.
Photo By – Axmed C/qaadir Jabaan ( Axmed Darwiish)















































