afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
8:45 pm | Posted by

DHAGAYSO:-Madax Waynaha Khaatumo Maxaa Uu kadhahay Aqoonsiga Ay heshay Dawlada Somaliya

indha-sheelMadaxweynaha Maamul Goboleedka Khaatumo State of Somaliya  Maxamed Jaamac Yuusuf “Indha-sheel” ayaa shir Jaraa`id oo uu ku qabtay magaaladda Buuhoodle  ku sheegay inay taageersan yihiin oo soo dhoweynayaan. Aqoonsiga dawlada Mareykanku ku sheegtay inay si buuxda u aqoonsatay Dawladda Federaalka Soomaaliyeed.
Madaxweyne Indha-Sheel waxa uu ka war bixiyey horumarka dawlada Federaalku u qaaday soo celinta qaranimadii Soomaaliyeed, taas oo uu sheegay inay ka soo bilaabantay shirkii madax-dhaqameedku ku yeesheen magaaladda Muqdisho laguna dhisay dawlada Federaalka Soomaaliyeed.
Indha-sheel waxa uu baaq u soo jeediyey Dawlada Soomaaliya oo uu ka codsaday inaan lagu mashquulin Caasimadda Muqdisho iyo hareereheeda balse maamulka la gaadhsiiyo guud ahaan goboladda dalka oo dhan, Maxaweyne Indhasheel waxa uu kaloo baaq u soo jeediyey maamulka Somaliland oo uu ka codsaday inay ka waantoobaan kala goynta dalka Soomaaliya.
Indha-sheel waxa uu ugu danbayntii ka waramay maamul u samaynta degaanadda ay gacanta ku hayaan, waxaan ugu baaqay bulshada degaankaasi degta inay ka sheqeeyaan sidii ay amaanka iyo horumarka degaankooda isugu xilqaami lahaayeen.
Sidoo kale waxa uu ka warbixiyey maamul u samaynta degaanadda maamulkaasi gacanta ku hayo oo uu sheegay inay u dhiman yihiin degaano yaryar iyagana ay dhowaan soo afjarayaan.
Si kastaba ha ahaatee taageeradda maamulka Khaatumo ayaa ah mid la filaayey maadaama ay markasta ku doodaan israaca sawladii Soomaaliyeed, halka ay colaad baahsanina ka dhex taagan tahay maamulka Somaliland oo isaguna u ooman mar inay arkaan kala qaybsanaantii Soomaaliya ka hor 1960kii.

Halkan Riix Oo  Dhagayso Codka Madax Waynaha 

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM