afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
8:07 pm | Posted by

Maalinta Saxaafada Somaliya Oo Siwayn Looga Xusay magaalada Nairobi(Daawo+Sawiro)

-Kulan Baladhan oo ayka Soo Qeyb galeen Masuulinta saxafada Warbaahinta kala Duwan,Xildhibaano dowlada Soomaaliya,Iyo Saxafada Nairobi Ayaa Ka Dhacay hotelka madiina Mall Ee Xaafada Islii Magaalada nairobi.

xafladani oo lagu xusayey Maalinta saxaafada Soomaaliya 21 jane Ayaa waxa Soo Qaban Qaabiyey Ururka saxafinta Qaranka soomaaliyeed Ee Nusoj,Ururka saxafada Cepja Oo fadhigiisa yahay magaalada Nairobi,Idaacada Radio Dalsan Muqdisho,Iyo Idaacada Xuquqda Bini’adanimada U qaabilsan QM Ee Ergo.

Waxana Lagu soo ban dhigay tacdiyada saxaafada Loogeystey sanadkii 2012 Iyo waliba Inay dowlada Ilaaliso Xuquqda saxaafada Soomaliya ayna wax badan ka qabato Dhibatada Loogeysto saxaafada Magaalada Muqdisho Oo Inta Badan lagu dilo.

Sidoo kale Waxa Siweyn Looga Codsaday Dowlada Soomaaliya Inay Xoriyadiisa Dib Ugu Soo celiso Wariye Cabdi Casis Koranto Oo Ciidamada Nabad Sugida Soomaliya Mudo Gacanta Ku hayaan iyadoona Laga Codsaday inay Maxkamad Horkeento Wariyahaasi Xoriyadiisana Dib ugu Soo Celiso.

Ugu Horayn waxa halkaasi ka Hadlay Xog Ha’ayaha Nairobi Ururka saxafinta Qaranka Soomaaliyeed Ee Nusoj Maxamed garane Aadan waxana Uu Sheegay Inuu Ururka Nusoj ka Codsanayo ha’ayada nabad sugida Soomaaliya Inay maxkamad Horkeento Danbigisana Ku Soo cadeyso.

 

Mohamed garane Aadan Ayaa Sheegay Inay dowlada damanad qaado dhibatada saaxafada Loo Geysanayo Lakiin Aysan Dilalka Ugu darin xadhig Sharci daro Ah”Saxafiga waa Qaldami kara lakiin Waaa Inay dowlada cadeysa Mudo koban gudahooda waxa saxafiga lagu soo eedeyey Inay ku soo Cadeyso”Ayuu Yiri Maxamed garane Aadan”.

Xildhibaan Dr. Muuse Sh.Cumar oo isagana Xaflada Maalinta saxafada Soomalaiyeed Ka Hadlay waxa uu sheegay Inay Gudigooda Baadhitaan badan Ku samaynayo dilalka saxafinta Loogeysto Iyo waliba qabka Lagu Xidhay Wariye Cabdicasis Koranto.

Isagona Sheegay Inay Ha’ayadaha Amanaka kala hadleen Inay wariyaha Maxkamad Keento Xoriyadiisana Dib ugu Soo Celiso,Hadii Uusan wax danbiya Lahayn wariyahani.

Maxamud  maxamed Jimcaale Oo Ah Gudoomiye Kuxigeenka Barlamaanka ee gudiga Xuquuqda Insanka haweenka  Ayaa Sheegay Inay Canbaraynayaan in Dowlada Xirto Qof Ana wax danbiya Lahayn Lakiin Ay Codsanayan inay dowlada raali galin ka bixiso qaabka wariyaha lagu xidhay Oo uu sheegay inay ilaa hada u arkaan qabka lagu xidhay wariyaha Inaysan wax cadan Ah Ahayn.

Xafladani Baladhan Ayaa Sidoo kale Lagu sheegay Inay wariyaasha Iska ilaaliyan waxa Naftooda Dhibatada U keenaysa Iyaga Oo Ilaashanaya Sharftooda Iyo Noloshodaba.

Agaasimaha Radio Dalsan Cabdifarax xalane Ooo goobta Ka Hadlay ayaa Siweyn waxa uu Ugu Dheeraday  Sababta wariyaasha lagu dilayo inay tahay Inay indhaha qabtaan Bulshada soomaaliyeed Madama Ay saxaafada Sheegayso Arimaha Qarsoon Iyo waliba dadka Dhibka Geysanaya.

Ugu Danbeyn waxa Madashaasi ka hadlay Agaasimaha Idaacada Xuquqda Bini’adanimada U qaabilsan QM Ee fadhigeeda yahay magaalada Nairobi Radio Ergo   Cabdiqadir Maxamed Mursal isla Markaasina ah rug cada aqoon badan U leh saxafada Soomalida.

waxana Uu saxaafiyinta Ugu baaqay inay Horumariyan aqoontooda Si’ay wax badan uga qabtaan waxa ay qorayaan iyo saxafada.

Mohamed Abdulahi Khalif(Shine)

Nairobi kenya

Sawirada Hoos Ka Daawo

DSC02719DSC02719DSC02731DSC02732DSC02735

DSC02766


DSC02717

DSC0271412812234567891011121314151617191820222123242524262728292152

 

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM