afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
  • tacsi
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • tacsi
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
7:20 pm | Posted by

Maleeshiyada SNM oo Gaadhi Suug ah lagaga Gubay dagaalkii Xuddun

suug khaatumoDagaalkii maanta ka dhacay Degmada Xuddun oo u dhexeeyey maleeshiyada SNM iyo Ciidamada Khaatumo ayaa qayb ahaan bilaabmay saaka Subaxnimadii hore kadib martkii maleeshiyada SNM  ay isku dayeen inay u dhaqaaqaan dhanka buurta xagrin oo saldhigyo ay ku leeyihiin Ciidamada wareega ee Maamulka Khaatumo.

Maleeshiyo lug ah ayaa saaka isku dayay inay ka baxaan buurta xagrin oo saldhigyo qarsoon ay ku leeyihiin Ciidamada guuraha ee Maamulka Khaatumo, waxana u suuro gashay ciidamada Maamulka Khaatumo ee ku jiray Buurta xagrin inay dib u soo baacsadaan maleeshiyaadkii SNM oo aan wadan wax gaadiid ah ,waxana ay wararku intaa ku darayaan in  Maleeshiyada SNM laga dilay ugu yaraan 8 askari lagana furtay lix qori oo kuwa fudud ah.

Dhanka kalena dagaal  kale oo abaara 2.00 duhurnimo ka qarxay jiida cadweyne ayaa waxa u suuro gashay Ciidamada Maamulka Khaatumo ee Aaaga Gorofley inay Jiidhaan Difaacii maleeshiyaadka SNM ee jiida cadweyne, waxana Shacabka ku Dhaqan Degmada Xuddun u Suuro Gashay inay ka il Sugtaan Gaadhi kuwa Dagaalka ah oo kasoo Ciidamiyay dhanka Jiida Bali Ismiidh  uu haleelay rasaas ay soo ridaan Ciidamada Maamulka Khaatumo.

Gaadhiga laga gubay Maleeshiyada Maamulka SNM ayaa la xaqiijiyay inuu ahaa Qoryaha lidka Diyaaradaha ee Nooca Suuga loo yaqaano. (37)

Xafiiska Shabakada Afbakayle.com

Laascaanood/Sool

Afbakaylenews@gmail.com

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM