afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
9:22 pm | Posted by laascaanood

Xaflad Lagu Xusayey Sanad Guuradii Koobaad Ee Kasoo Wareegtay Aasaaska Maamulka Khaatumo Ayaa Waxaa Lagu Qabtay Dalka Malaysia(Daawo+Sawiro)

GetAttachment (19)Xaflad Lagu Maamuusayey Sanad Guuradii Koobaad Ee Kasoo Wareegtay Aasaaskii Maamulka Khaatumo Ayaa Waxaa Lagu Qabtay Caasimada Dalka Malaysia Ee Kuala lumpur. Xafladan Ayaa Ugu Horayn Waxaa Halkaasi Lagu Furfurtay Ayadaha Quraanka Kariimka Ah Intaas Kadib Ayaa Waxaa Halkaas Mikirofonka Lagu Soo Dhaweeyay Gudomiyaha Khaatumo Diaspore  Association In Malaysia Cabdisamed Jaamac Cali Good Isagoona Kahadlay Hawlihii Iyo Waxqabadyadii Ay Qabatay Jaaliyadu Mudadii Uu Hayey Xilka Gudoomiyaha Ee Jaaliyada Khaatumo Ee Dalka Malaysia Sheegayna Inay Waxbadan Qabteen Haatana Ay Filayaan Inay Dadaalka Halkaas Kasii Wadayaan. Dhanka Kalena Waxaa Geestiisa Isna  Hadalka Lagu Soo Dhaweeyay Mid Kamida Mushrixiintii Utaagnaa Jagada Madaxwaynanimo Ee Dalka Soomaaliya Sheekh Maxamed Yaasiin Oo Isagu Siwayn Usoo Dhaweeyay Munaasabadan Balaadhan Ee Maanta Lagu Xusayey Sanad Guuradii Koobaad Ee Kasoo Wareegtay Aasaaskii Maamulka Khaatumo Isagoona Dhankiisa Sheegay Inuu Aad Ugu Farax San Yahay Munaasibadan Maanta Lagu Soo Casumay Inuu Kasoo Qayb Galo Sidoo Kalena Waxa Uu Hanbalyo Iyo Bogaadin Udiray Dhamaan Shacabka Reer Khaatumo Meelkastay Joogaan . Waxaa Isna Geetiisa Kahadlay Gudoomiyaha Jaaliyada Puntland Ee Dalka Malaysia Maxamed Aadan Haami Oo Isagu Qayb Wayn Ka Ahaa Dadwaynihii Iyagu Lagu  Casumay Xafladani Isagoona Sheegay Inuu Siwayn Usoo Dhawaynayo Sanad Guuradii Koobaad Ee Kasoo Wareegtay Aasaaskii Maamulka Khaatumo Ayna Xafladani Tahay Mid Aad Loogu Farxo. Dhanka Kale Waxaa Isna Halkaas Kamuuqday Fanaanka Wayn Ee Reer Khaatumo Maxamed Deeq Alfa Oo Isagu Aan Waxba Ula Kala Hadhin Xafladaas Wacdaro Layaab Lehna Halkaasi Kusoo Bandhigay Isagoona Halkaasi Kaqaaday Heeso Ay Ladhaceen Dhamaan Dadwaynihii Iyo Bulshadii Iyagu Madashaas Kasoo Qayb Galay. Xafladan Ayaa Ahayd Mid Lagu Soo Bandhigay Ciyaaraha Looyaqaan Hidaha Iyo Dhaqanka Soomaalidu Horay Ulahayd Ee Jaandheerta Ayaa Waxaa Halkaasi Kusoo Bandhigeen Dhamaan Dadwaynihii Iyagu Xafladaasi Kasoo Qayb Galay. Guntii Iyo Gunaanadkii Munaasibadan Maanta  Lagu Xusayey Sanad Guuradii Koobaad Ee Aasaasitaankii Maamulka Khaatumo Ee Sanad kahor Lagu Aasaasay Xaruntii Daraawiisheed  Ee Taleex Ayaa Waxay Dhamaan Dadwaynihii Halkaasi Kasoo Qayb Galeen Ay Siwayn usoo Dhaweeyeen Munaasibaad Halkaas Lagu Qabtay Iyadoona Halkaasi Hanbalyo Iyo Bogaadin Udiray Dhamaan Shacabka Reer Khaatumo.

By: Du,ale Abdisamed Dabayl

 

IMG_20130119_223424

424016_322295664553514_1099631449_n 46334_10151226742362688_2144181657_n58266_10151226746032688_1717535005_n74172_10151226737827688_1340236565_n149384_10151226738012688_1084714948_n (1)184607_10151226740642688_1521893830_n184776_10151226750082688_1664353751_n196296_10151226747957688_1703581408_n196383_10151226749712688_581939548_n196384_10151226741367688_1559594228_n224506_10151226747577688_551150509_n251921_10151226750207688_74182323_n269560_10151226747287688_516968779_n270859_10151226743552688_1582449072_n309848_10151226745402688_963932529_n319776_10151226748902688_1716261657_n321474_10151226746817688_991272308_n321362_10151226742842688_748232115_n406148_10151226745247688_960256587_n428237_10151226742737688_1152891186_n 4999_10151226750627688_2090775880_n14973_10151226750417688_688815044_n36497_10151226747802688_1204710778_n37091_10151226739087688_10610096_n

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM