DHAGAYSO:-Maamulka Khaatumo Oo ka hadlay Dagaalkii Shalay Ee Degmada Xudun
Iyadoo maalinimadii shalay ahayd uu dagaal aad u culusi ku dhex maray duleedka degmada Xudun ee gobolka Sool ciidamo ka kala tirsan maamulada Khaatumo iyo Somaliland ayaa waxaa dagaalkaasi iyo qaabka uu u dhacayba ka hadlay wasiirka amniga ee maamul goboleedka Khaatumo Maxamed Ducaale Cabdi, isagoona sheegay in dagaalka lagaga horeeyey ciidamadooda isla markaasna lasoo weeraray ciidamada maamul goboleedka Khaatumo waa sida uu hadalka u dhigaye khasaare aad u badana ay gaadhsiiyeen ciidamada Somaliland ee dagaalkaasi uu dhex maray.
Wasiirka amniga ee maamul goboleedka Khaatumo Maxamed Ducaale oo hadalkiisa sii wata ayaa ka xog waramay khasaaraha soo gaadhay ciidamadooda iyo waxa uu ka og yahay geesta kale ama khasaaraha soo gaadhay ciidamada Somaliland, isagoona arimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi sidatan” Waxa weeye dhinacayaga waxaa nasoo gaadhay laba nin oo dhaawaca … dhinacad Somaliland “waxyaalo fara badan ayaa dhacay koley intii aan anagu arkaynay waxay ahaa gaadiidka oo gubtay waan arkaynay….. Hadaba warbixin dagaalkaasi ku saabsan halkan hoose ka dhagayso.
Isku soo wada duuboo dagaalkani ayaa qayb ka noqonaya dagaalo aad u badan oo ciidamada Khaatumo iyo Somaliland ku dhex maray deegaano ka tirsan gobolka Sool kuwaas oo dhamaantood asalka ku haya ka talinta deegaanada Sool, Sanaag, iyo Cayn.
Halkan Ka Dhagayso
Wariye Abdirahman Wadani
Email axmedyare1001@hotmail.com