Tacsi: Inaalilaahi Wa inaa Lilaahi Raajicuun Mujaahid Ciise Kadiye Cilmi Oo Hada Kugeeryooday Magaalada Buuhoodle
Wararka Haatan Naga Soo Gaadhaya Magaalada Buuhoodle Ee Xarunta Gobolka Cayn Ayaa Sheegaya In Mujaahid Ciise Kadiye Cilmi Uu Kudhintay Gudaha Magaaladaasi Isagoona Marxuunku Ugeeryooday Dhaawac Kasoo Gaadhay Dagaalkii Shalay Kudhex Maray Ciidamada Maamulada Khaatumo Iyo Somaliland Duleedka Degmada Xudun Ee Gobolka Sool.
Sida Ay Noo Xaqiijiyeen Dhakaatiirta Gobolka Cayn Ayay Sheegeen In Mujaahid Ciise Kadiye Uu Saacadii Lasoo Dhaafay Kugeeryooday Cusbatalka Magaalada Buuhoodle Iyagoona Sheegay In Uu Aad Udhiig Baxay Kabacdina Dhaawacii Uu Ugeeryooday.
Dhamaan Bahda Warbaahinta Afbakayle.com Ayaa Waxay Tacsi Balaadhan Udirayaan Eheladii Iya Qaraabadii Uu Kageeryooday Mujaahid Ciise Kadiye Waxaana Ilaahay Uga Baryaynaa In Uu Janadii Fardawsa Kawaraabiyo Samir Iyo Iimaana Ala Haka Siiyo Dhamaan Eheladii Iyo Qaraabadii Uu Mujaahidku Kabaxay Aamiin Aamiin Aamiin.