afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
6:29 pm | Posted by

Faroole iyo Barakacayaasha Koonfurta Maxaa kala Haysta

Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa ka hadlay ammaanka deeganada maamulka Puntland.

C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole oo shalay dib ugu soo noqday Magaalada Boosaaso ee Gobalka Bari ayaa wuxuu sheegay in shacabka deeganada Gobalka Bari iyo guud ahaanba maamulka Puntland looga baahan yahay inay adkeeyaan ammaanka deeganadaasi.

Faroole ayaa sheegay in maalmahan dambe sida uu tilmaamay deeganada maamulka Puntland ay kusoo badanayeen dad ka yimid deeganada koonfurta Soomaaliya kuwaasi oo falal amnidaro ah ka geysana sida uu sheegay deeganada Puntland.Isaga oo hadalka sii wata ayaa wuxuu sheegay in sidoo kale loo baahan yahay in laga soo horjeesto mucaaradka ka imaanaya dalalka shisheeeye iyo midka gudaha ku sugan intaba.

Mr Faroole ayaa maalmahan dambe wuxuu socdaal ku joogay Magaalada Jabuuti ee dalkaasi Jabuuti isaga oo shalay Boosaaso dib ugu soo noqday.

Ammaanka deeganada Maamulka Puntland ayaa wuxuu yahay mid wanaagsan inkastoo xilliyada qaar ay dhacaan falal lidi ku ahdhanka ammaanka deeganada maamulkaasi.

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM