afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
11:18 am | Posted by ducaale

Maxkamadda sare ee Kenya oo ka hor timid Qabqabashada Qaxootiga

Maxkamadda sare ee Kenya ayaa ka hor-timid qorshaha khasabka ah ee dowladda ay ku dooneyso inay magaalooyinka dalkeeda uga saarto kumannaan qaxooti Soomaali ah oo diiwaan-gishan, kuwaas oo la rabo in dib loogu celiyo xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kakuma.

Qaalliga maxkamadda sare David Majanja ayaa joojiyay go’aankii dowladda Kenya ka soo baxay December 18, oo sheegayay in January 21 la billaabayo howlgallada qaxootiga iyo dadka magan-gelyo doonka ah looga saarayo magaalooyinka.

Xukunka qaalliga ayaa yimid kaddib markii urur Kenyaan ah oo u dooda xuquuqda bini’aadamka uu dacwo la xiriirta arrintan u gudbiyay maxkamadda sare.

Qaalliga ayaa amar ku bixiyay in inta laga dhageysanayo oo go’aan laga gaarayo dacwadda la hakiyo dhaqan-gelinta go’aanka dowladda.

Ururka Kituo Cha Sheria ayaa dacwad ka dhan ah go’aanka dowladda ee dib u dejinta qaxootiga u gudbiyay maxkamadda.

Ururka ayaa tallaabada dowladda ku tilmaamay mid aan sharci ahayn, “Go’aanka la shaaciyay wuxuu ka soo horjeedaa dastuurka iyo sharciga caalamiga ah ee khuseeya ilaalinta qaxootiga,” qareenka ururka Solomon Masista  ayaa sidan sheegay.

Hay’ado caalami ah oo u dooda xuquuqda bini’aadamka ayaa si kulul u cambaareeyay go’aanka ay qaadatay dowladda Kenya, waxayna dhammaantood isku aragti ka noqdeen inuu qorshaha dowladda ku xad-gudbayo xuquuqda dadka qaxootiga ah ee leeyihiin ee ah inay si xor u dhaqdhaqaaqaan.

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM