Kenya oo ku gacan seyrtay iney Al-Shabaab Ay La Hadasho (Akhri)
Dowlada Kenya ayaa ku gacan seyrtay inay Al-shabaab la gasho wadahadal ku saabsan sii deynnta la-haystayaal dalkeeda u dhashay oo Al-shabaab ay ku hanjabtay inay dilayaan sadex toddobaad gudahood ah, haddii aanay xukuumadda Kenya fulin shuruudo ay ka mid yihiin sii-daynta dad ku eedeysan iney ka tirsan yihiin Al-shabaab oo ku xir-xiran xabsiyada dalkaasi.
Afhayeenka milateriga Kenya Col. Cyrus Oguna ayaa sheegay in Al-shabaab ay tahay koox argagaxiso ah, dowladana Kenyana aysan siyaasadeeda ka mid aheyn iney wadahadal la gasho koox uu ugu yeeray dembiilayaal mudan ciqaab in la mariyo.
“Maxaabiista ay soo bandhigtay Al-shabaab ma aha maxaabiis dagaal lagu qabtay oo askar ah, waa dad rayid ah oo lagu kala magacaabo Mule Yesse Edward iyo Fredrick Irungu oo ka mid ahaa shaqaalaha rayidka ah ee Kenya kuwaasoo laga afduubtay gobolka woqooyi bari Kenya sanadkii hore” ayuu intaa ku daray Col. Cyrus Oguna.
Xarakada Al-shabaab ayaa soo bandhigtay cajalad ay ka soo muuqdeen lahaysteyaal Kenyan ah, kuwaasoo afduub ay u qabsadeen sanad ka hor, iyagoo dowlada Kenya ka codsanaya iney fuliso dalabka Al-Shabaab si loo badbaadiyo naftooda.
Xabsiyada Kenya ayaa waxaa ka buuxa boqolaal qof oo ku eedeysan inay Al-shabaab xiriir la leeyihiin, iyagoo dowladana Uganda u gacan geliiyey kooxo ku eedeysnaa inay ka dambeeyeen qaraxyadii Kampala ka dhacay sannadkii 2010-ka kaasoo sababay dhimashada ku dhowaad 80 qof waxaana sheegtay Al-shabaab.
Xoogaga Al-shabaab ayaa dhowaan shaaciyay iney dileen Dens Allex oo ahaa la heyste Faransiis ahaa oo ay gacanta ku hayeen muddo sanado ah ka dib markii uu fashilmay howlgal ciidamada Faransiisku doonayeen iney ku soo furtaan ninkaas oo ka dhacay degaanka Buulo mareer lamana oga waxa mustaqbalkoodu uu noqon doono la heystayaasha Kenyanka ah maadaama la diiday dalabkii ay soo bandhigtay Al-shabaab.