afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
6:29 pm | Posted by

Qodobo Khuseeya Somaliya & Shirkii Khartuum ee Dhamaday (Akhriso)

Shirkii Baarlamaanada Wadamada Islaamka ah oo ka koobnaa 57 Dowladood ayaa kusoo gabagaboobay caasimadda dalka Sudan kaasoo laga soo saaray 4- Qodob oo Soomaaliya Si gaar ah Xaaladeeda looga Hadlay. Qodobadaas ayaa waxa ka mid ahaa.

1- In Dowladda Soomaaliya lagu Amaano laguna dhiira galiyo Howshii Ay qabteen ee looga Baxay KMG-nimadii iyo in la sameeyo Gudiyo Joogta Ah oo arimaha SoomaaliyaLa socda iyo in la sameeyo sidoo kale gudiyo Sharci dajin ah oo iyagana La socda Howsha ay qabteeb Baarlamaanka Soomaaliya.

2- in Dowladda Cusub ee Dhawaan la dhisay in Gacan buuxda la siiyo Si maadi ah iyo Si mooral ah intaba lana sameeyo Gudi ka hortaga dhibaatadii abaaraha ee Soomaaliya Sanadkii hore ka dhacay oo kale mid la mid ah

3- In Gudi Baarlamaanada wadamada Islaamka ah loo diro Soomaaliya si ay usoo arkaan Xaalada dhabta ah ayna u soo qiimeeyaan baahida dhabta ah ay u baahan yihiin guud ahaan xaalada wadanka gaar ahaan Mida baarlamaanka.

4- Sidoo kale in dib mar kale laysugu yimaado shirarkii Soomaaliya looga hadlayay ee ka kala dhacay Istambuul iyo London si wada hadalada loo sii wado iyo dib u dhiska Dalka Soomaaliya Qodobadii shararkaas kasoo

baxayna loo fulin lahaa. Shirkan oo soo bilowday 17 bishan ayaa waxa ugu dambeentii aad loogu amaanay Soomaaliya Isbadalka horumarka leh ee ku tilaabsatay iyadoo Xubnihii ka Socday Baarlamaanka Soomaaliya oo uu hor kacayay gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya Jaylaani Nuur Iikar ay ka dhex muuqdeen shirka Baarlamaanada Wadamada Islaamka.

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM