DHAGAYSO:- Afhayeenka maamulka Kismaayo oo beeniyay in saxaafada ay cabudhiyaan
Afhayeenka maamulka kumeel gaarka ee Kismaayo Cabdinaasir Seeraar Maax ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar been ah oo idaacada Shabeele ay baahisay.
‘‘Meeshan markii la xoreeyay Waxyaalihii la xoreeyay waxaa kamid ahaa mediyaha iyo idaacadaha dhib badan bay ku hayeen, magaalada Kismaayo xaalada maanta ay ku sugan tahay waa la ogyahay, idaacad loo hanjabay iyo wariye loo hanjabay midna ma jirto.Waxaan aad uga xunahay oo aan si toos ah iyo si dadbanba u sheegaynaa barnaamijkaas inuu been yahay oo uu barabagaando uu yahay,’’ayuu yidhi Afhayeen Seeraar.
Idaacada Shabeele oo iyadu sidii Kismaayo shabaab looga saarayba dagaal qaawan kula jirta maamulka ka arimiya magaalada Kismaayo ayaa maalmo ka hor baahisay warar sheegaya in maamulka kumeelgaarka ee Kismaayo ugu hanjabay wariyaasha ka howlgala Kismaayo inaysan war aysan ogayn ka tabin karin magaalada Kismaayo.
Halkan Riix Oo ka Dhagayso Hadalka Afayeenka
