Jaaliyadda Khatumo State Ee Wadanka Koonfur Africa Oo Kulan Ku Qabsatay Magaaladda Johannesburg Arimo Badanna Islasoo Qaaday (Sawiro)
Jaaliyadda Khatumo state ee wadanka koonfur africa ayaa kulan ku qabsatay magaaladda johannesburg kulankani oo ka dhacay Hotel Bismillah Ee magaalada johannesburg ayaa arimo badan lagaga halday Kulankaasi.
Kulankani oo ay jaaliyadu isku xogwaraysanaysay ayaa arimo badan lagusoo qaaday oo ay kamid ahaayeen sidii ay jaaliyadda khatumo state ee wadankani South africa u noqon lahayd mid isku xidhan, Daacdna u ah Maamulkeeda wax kasta oo loogasoo baahdona Diyaar u ah, Dhanka kale waxaa kulankan lagusoo qaaday arrimaha xaasaasiga ah ee iminka ka jira wadanka SSC ama khatumo state.
Jaaliyadda khatumo state Ee Koonfur Africa Oo leh Guddoomiye, G/kuxigeen Iyo Afhayeen ayaa iyadu ah jaaliyad aad u firfircoon iyadoo markastaba ay jaaliyaddu isha ku hayso waxyaabaha ka dhacaya dhulka SSC iyagoo markastana ay jaaliyadu ka qayb qadato Horumarka dalka, Dhowaan ayay ahayd marklii ay jaaliyaddan Khatumo State ay Deeq lacageed gaadhsiisay Garoonka Diyaaraddaha ee iminka dhismihiisu ka soconayo Magaaldda Buuhoodle,
Ma aha kulankii ugu horeeyay ee ay jaaliyaddu isku xog waraysato waxaana la filayaa inay jaaliyaddu dhowaan yeeelan doonto kulan kan ka ballaadhan kaasi oo ay ku dhammaan Kasoo Qayb Geli doonaan guud ahaanba shacabka Khatumo state ee ku sugan wadankani Koonfur africa.
Wariye: Cali Faarax xassan “Calileeb”
+27782542451
Johannesburg South africa
















