Laascaanood:-Beesha Ugaadhyahan Ee Dhulbahante ayaa shir maalmahanba Uga socanayay Laascaanood Go,aamo Adag kasoo Saaray (DAAWO+VIDOE)
Kulan maalmahanba Uga soconayay Beesha Ugaadhyahan Ee Dhulbahante magaalada Laascaanood ayaa Waxaa Lagu so gaba Gabeeyay Gudaha Magaalada laascaanood,Shirkan Oo dhawaanahanba Kasoconayay magaalada Laascaanood ayaa Waxan Beeshu kusoo dhiseen gudi Gudaas ayaa waxaa ay Maanta Shirkaas Ka soo saareen Go,aamo Adag.
Shirkan Oo ay Iskugu yimaadeen dhamaan Ganacsatada ,culumaa udiinka, wax garadka, indheedgaradka iyo haldoorka beesha Ugaadh Yahan ayaa Maanta Lagu Soogaba Gabeeyay gudaha magaaladaas.
Kulankan ayaa laga soo saaray baaq ka kooban 6 qodob ayna kamid ahayd dhaleecaynta falkii lagu dhaawacay ganacsade axmed cabdi timir ee magaalada laascanood canbaaraynta qaabka ay soomaaliland ula dhaqantay dadkii falkaasi ku lugta lahaa shir loogu baaqay in ay beeshu ka yeelato xaaladaha haatan taagan dhamaynta falal dil ah oo beesha dhexdeeda ah iyo soo afjarista iyo nabad ku wada noolaanshaha beeshan iyo beesha bariga gobolka sanaag oo uu soo kala dhexgalay aanooyin iyo falalkale oo amniga wax u dhimaya qodobadan ayaa lagusoo saaray baaqan ay maanta dirayeen waxgaradka odayaasha iyo sidoo kale indheergaradka beesha ugaadhyahan ee dhulbahante
si kastaba ha ahaatee baaqan ayaa ugu dambayntii loogu baaqay in la joojiyo dagaalada soo noqnoqday ee ka dhacay degmada xudun ee gobolka sool iyagoona ugu baaqay maamulka somaliland in ay kala saraan ciidamadooda deegaankaasi si aysan khalkhal u gelin ammaanka iyo xasiloonida
Halkan Riix Oo Daawo Video-ga Go,aamada