Ciyaaraha Qaramada Qaarada Afrika Oo Si Habsami Leh Uga Socda K/Afrika Ciyaarihii Xalay La Ciyaara Iyo Kuwa Caawa Dhici Doona(Warbixin+Sawiro)
K/Afrika(RBC Radio) Ciyaaraha Qaramada qaarada Afrika ayaa wali si habsami leh uga soconaya garoomada waaweyn ee dalka K/Afrika iyadoona habeenii xalay ahaa ay dheceen kulamo xiiso leh oo dhexmaray Guruubka D Waxaana kulan adag iskaga horyimid xulalka wadamada Ivory Coast iyo Tunisiya waxaana kulankaasi uu kusoo idlaaday natiijo aan lasii fileen kadib markii dalka Tuniisiya oo hal mar haysta koobkan ay cagta marisay Ivory Coast oo ku garaacday( 3-0) gool iyo waxba.
Ivory Coast ayaa Saddexda gool ka kala heshay xidigaha kala ah goosha ugu horaysa ayaa waxaa shabqa Tuniisiya ku hubsaday laacibikooda Girvinho daqiiqadii 21-waad waxaana goolka labaad raacsaday Y Toure oo daqiiqadii 87 dhaliyey goolkii niyada ka dilay xulka Tuniisiya waxaana Tuniisiya quusiyey daadkane raacsiiyey laacibka reer Ivory Coast Konan oo daqiiqadii 90-aad ka dhaliyey Tuniisiya goolkii dhiamshada waxaana Group-kan kasoo baxay wadanka Ivory Coasta oo u gudbay Wareega xiga isagoona Aruursaday dhibco gaaraya 6 dhibcood.

Xulka Ivory Coast.

Girvinho.
Xulka Ivory Coast oo u dabaaldagaya guusha ay gaareen.
Xulka Qaranka wadanka Tuniisiya ayaa boorsooyinkiisa ka xirxiranaya dalka K/Afrika maadaama ay ka hareen ciyaaraha oo labadii kulanee ay ciyaareenba ay guul darro la hoydeen, dhanka kale waxaa ciyaar aday oo ka tirsan koobka qaramada qaarada Afrika ayaa dhexmaray habeenkii xalay ahaay xulalka kubbada cagta wadamada Togo Iyo Algeria oo uu dhexmaray kulan aad u adkaa ayaa waxa ay natiijadii ugu danbeyntii kusoo idlaatay (2-0) labo iyo eber oo ay guushu ku raacday xulka qaranka wadanka Togo.
Laacibka reer Togo Adebayor
Waxaana goolasha u daah furay xulka Togo weeraryahankooda qatarta ah ee naadiga Tottenham Emmanual Adebayor oo qeybtii hore ee ciyaar gool uu dhaliyey hogaanka gacanta u galiyey xulka dalkiisa waxaana goosha labaad u dhilayey dalka Togo dhamaadkii ciyaarta Dove Wome iyadoona sidaa dalka Aljeriya loogu dubtay 2 iyo waxba waxaana uu loolanka ugu adag dhecyaalaa wadamada Algeria iyo Togo oo wata min saddex dhibcood iyadoona Group-kan D ay hada kasoo baxday Xulka Kubbada cagta ivory Coast oo leh 6 Dhibcood oo nadiif ah.

waxaana caawa jira kulamo kale oo xiisa badan kuwaas oo katitsan Groupka A oo ay ku wada jiraan wadamada South Africa,Marocco,Cape verde iyo Angola waxaana ay caawa isku arki doonaan wadamadu Jasiirada Cape Verde ayaa ka hortagi doona Angola halka Koonfur Afrikane ay ka hortago doonto dalka Marocco waxaana ay tahay arinta xiisaha gaar ka ah leh in dhamaan afartan xulbay ay isku dhibco yihiin kuwaas oo dhamaantood wata min 2 dhibcood.