DAAWO SAWIRRO & Video: Mar kale ayey Prof Cali KH Galeydh & Prof Axmed I Samatar Kulan Mugweyn kula Yeesheen Jaaliyada Minnesota
kulan si aad u qiimo weyn uu usoo agaasimay u dhaqdhaqaaqaha arimaha bulshada ee jaaliyada Soomaalida ee Minnesota Mudane Sadik Warfa ayaa waxey jaaliyada Soomaalida suaalo ku weydiiyeen Prof Cali Khaliif Galeydh iyo Prof Axmed Ismaaciil Samatar
Sida u dhaqdhaqaaqaha arimaha bulshada ee jaaliyada Soomaalida ee Minnesota Mudane Sadik Warfa uu ka sheegay furitaanka kulankan in ujeedada isu imaatinka ay tahay in umada Soomaaliyeed ay kawada hadlaan danahooda taasina ay kamid tahay sidii ay u adkeyn lahaayeen midnimadooda kana wada shaqeyn lahaayeen waxa kawada dhaxeeya.
Mudane Sadik Warfaa ayaa kusoo koobay mowduuca qodobada looga wada hadlayo kulankaan 3 qodob oo kala ahaa
1- Midnimo
2-Dowlad-Dhis
3-Hogaan
Xiligii suaalaha iyo jawaabaha lasoo gaaray ayaa waxaa labada borofeysar lawada weydiiyey Suaal aheyd.
Waxaad sheegteen dowlada in ay masuul tahay xiriirka caalamiga ah ….laakiin suaashaan waxa ay la xiriirtaa marka aad tiri [Prof Axmad I Samatar] Somaliland maxaa loogu xusi waayey heshiiska caalamiga ah markuu madaxweynuhu yimid Washington arintaas maka horjeedin kartaa Baarlamaanka hortiisa markii dowladu heshiis galayso in la xuso maamulada Gobolada anoo u khaasyeelaya Soomaaliland?
Prof Cali Khaliif Galeydh oo ka jawabaya suaashaan ayuu waxa u uga jawaabay.
“… Aniga iyo Samatar waanu ku kala duwan nahay…..Anigu ma qabo in Somaliland iyo maamulka hada jooga door ku leeyihay arimaha dibada dowlada Soomaaliyeed ma qabo malaha”
Prof Galeydh isaga aad loogu sacabtumayo oo hadalkiisii sii wata ayuu yiri
“kama duwana maamuladaa kale sida Ximan iyo Xeeb, Puntland……arimaha dibada dowladaa leh”
Prof Cali Khaliif Galeydh oo hadalkiisii sii wata ayaa waxa uu ka hadlay sida uu u arko joojinta siyaasadii dowlada mareykanka ee ay kula macaamiili jirtay dalka soomaaliya ee lagu magacaabi jirey Dual Track Policy ayaa waxa uu kulanka ka sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in Dual Track ka ay dowlada mareykanka ka tanaasushay waxa uuna yiri.
“……I am Glad [waan ku faraxsan nahay] in ay ka baxeen “
“Arintaan Soomaaliland ilaa ay Soomaaliland madaxdeeda iyo waxgaradkeedu qadiyadeedu siweyn ay isku badasho wax alaale aan isku sheegi karnaa ma ay jidho waxaan isku nahay ma ay jidho anagu kama aan samrin haduu isbedel ku dhaco insha alaan anaga adareeskeenu waa la yaqaanaa iyo meesha nalaga soo raadiyo”.
ayuu yiri Prof Cali Khaliif Galeydh
Halkan Riix Oo Ka daawo Video-ga kulankaas























