Dhagayso:-Mudaharaad ka dhan ah Maamulka Faroole Oo kadhacay Magaalada Buuhoodle
Banaan baxani oo u dhacay si nabadgelyo ah ayaa waxaa soo qaban qaabiyey dad kasoo horjeeda wafti ka socda maamulka Puntland oo maanta soo gaadhey magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn.
Dadka dibad baxa dhigay ayaa guud ahaanba socod ku maray wadooyinka waa weyn ee magaalada Buuhoodle, iyagoona halkaasi ku gubey taayiro, waxa ayna ugu danbayn isugu tegeen garoonka kubadda cagta ee magaalada Buuhoodle iyagoo halkaasi ay hadal ka jeediyey qaar kamid ah qaban qaabiyayaashii banaan baxa iyo kasoo qayb galayaashii banaan baxani. Hadaba warbixin xasaasi ah oo aan ka diyaarinay banaan baxaasi halka ka dhagayso.
Iskusoo wada duuboo banaan baxani ay sameeyeen dad kasoo horjeeda wafti ka socda Puntland oo maanta soo gaadhey magaalada Buuhoodle ayaa kusoo dhamaaday jawi wanaagsan iyadoo aysan jirin wax rabshad ah oo banaan baxaasi ka dhashay.
Halkan Riix Oo kadhagayso Mudaharaadka
Wariye Abdirahman Wadani
Email axmedyare1001@hotmail.com