Waxagarad Iyo Siyaasiyiin KasooJeeda Beesha Sade (Mareexaan )OoTaageeray Maamul U SamayntaGobolada Jubooyinka Iyo Gedo?
Waxagarad Iyo Siyaasiyiin KasooJeeda Beesha Sade (Mareexaan
)OoTaageeray Maamul U SamayntaGobolada Jubooyinka Iyo Gedo
Kulan balaaran oo lagu taageerayey maamul u samaynta gobolada
jubooyinka iyo geddo ayaa maanta ka dhacay magaalada muqdisho kaasoo
ay kazoo qayb galeen waxgarad ,siyaasiyiin ,aqoonyahano iyo weliba
qaybaha haweenka kazoo jeeda goboladaasi ayaa dhamantood isku raacay
in si cadaalad ah loogu sameeyo goboladaas maamul loo dhanyahay
Kulankan oo ay soo qaban qaabiyeen waxgaradka beesha sade (marexaan
)ayaa waxaa halkaasi hadalo ku aadan maamul u samaynta goboladaasi
kajeediyey ugu horayntii c/raxmaan maxamed c/laahi (c/raxmaanmalay)
isagoo sheegay inay si,aad ah ugu faraxsan yihiin howlaha ku aadan
maamul u samaynta ka socda kismaanyo iyo Nairobi
Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay nabadoon nuur cali xasan (nuur
gab) oo sheegay in dowlada federaalka somalia ay faraha kala baxdo
maamul u samaynta gobolada gedo iyo jubooyinka madaama ayuu yiri uu
dastuurku dhigayo in waxii ka badan labo gobol ay samaysan karaan
maamul goboleed
Waxaa dhinaca kale ugu baaqay hay,adaha samafalka inay gargaar degdeg
ah la gaaraan gobolada gedo iyo jubooyinka nabadoon xasan caydiid
culujoog isagoo ugu baaqay dadka deegaanka inay nabada taageeraan
islamarkaana samaystaan maamul u gaar ah
Si kastaba ha ahaatee kulankan ay yeesheen waxgaradka beesha sade ayaa
kusoo beegmaya xili qabanqaban xoogan oo ku aadan mamul u samaynta
gobolada gedo iyo jubooyinka ay ka socdaan kismaanyo iyo Nairobi











