Hay’ada Khayriga ah ee Manhal oo Sadaqo timir ah ka qaybisay magaalada Laascaanood.
Hay’ada Al manhal xarunteeda magaalada Laascaanood ee G./Sool ayaa maanta halkaas ka qaybisay deeq balaadhan oo Timir ah, taasoo ay u qaybisay dadka saboolka ah ee ku dhaqan magaaladaas, deeqdan oo ay ugu deeqday dadkan masaakiinta ah hay’ad tabarucaadka ah ee lagu magacaabo Ciid Binu Maxamed Al Thani ee dalka Qatar, ayaa maanta mas;uuliyiinta hay’adaasi gaadhsiiyeen dadka ka soo barakacay gobolada dalka ee u haatan ku nool Laascaanood.
Dadkii deeqda la gaadhsiiyey ayaa aad ugu mahadceliyey mas’uuliyiinta hay’ada khayriga ah ee Al manhal, waxayna shegeen inay u timid deeqdani wakhti ay aad ugu baanahayeen, maadaba wakhtiga haatan lagu jiraana uu yahay jilaal.
Deeqdan ayaa ka mid ahayd deeqaha ugu balaadhan ee Al Manhal qaybiso ayadoo la wada ogsoon yahay mashaariic kale oo balaadhan oo ay Manhal ka fulisay Laascaanood iyo deegaano kale oo dalka Soomaaliya ah.