afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
1:54 pm | Posted by

Wafdi Ka Socda Dowlada Soomaaliya Oo Maalmaha Dhow Ku Wajahan Gobalka Galgauud Ee Bartamaha Soomaaliya

diini-iyo-fiqi2-300x225Wafdi heer wasiir ayaa waxaa dhowaan lagu wadaa in ay gaaraan gobalka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya halkaasi oo ay haatan joogaan mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo haatan ku sugan golka Galgaduud isla markaana qayb ka ah xildhibaano badan oo haatan ku sugan gobalka ayaa sheegay in dhowaan la filayo in saraakiil ka tirsan dowlada iyo waliba wasiiro ay soo gaaraan gobalkaasi.

Wuxuu sheegay mudanayahaan in qorsha wafuudaan dowlada ay u gaarayaan gobalkaasi ay macnaheedu tahay in maamulka dowlada la gaarsiiyo gobalkaasi.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale wuxuu xusay in gobalkaan mudo dheer aysan jirin wax maamul dowladeed ah oo ka jiray isla markaana haatan dadka gobalkaasi ay u baahanyihiin maamulka dowladnimo.

Mahad Maxamed ayaa wuxuu sidoo kale uu sheegay in ay kulamo la qaateen xildhibaanada dadka deegaanka iyo waliba qaybaha kala duwan  ee bulshada gobalka isla markaana ay ka dhageesteen dhibaatooyinka xiligaani heesta.

Wuxuu sheegay in haatan dadka gobalka Galgaduud ay ugu darantahay dhibaatada xaga caafimaadka iyo waliba xaga waxbarashada, wuxuuna tilmaamay xildhibaanka in arintaasi ay kala hadli doonaan dowlada Soomaaliya.

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM