Daawo Sawirada R/Wasaaraha Soomaaliya iyo Wasiiro katirsan xukuumadiisa oo gaaray Magaalada Marko Cadey.
R/Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Sheyrdoon (Saacid) ayaa socdaal aan horey loo shaacin waxa uu kugaaray Magaalada magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh/Hoose.
R/Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya socdaalkiisa waxaa ku wehliya Wasiirada Gaashaandhigga, Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Garsoorka iyo Cadaalladda, Warfaafinta,Isgaarsiinta iyo Gaadiidka, Maalliyadda iyo Qorsheynta, Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi, Mudane C/kariin Xuseen Guuleed, Mudane C/laahi Abyan Nuur, Mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi, Mudane Maxamuud Xasan Suleymaan, iyo Taliyaha Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas C/qaadir Sheekh Cali Diini, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed Eng Axmed Macalin Fiqi,Taliyaha Ciidammada Booliiska General Shariif Sheekh Unaa Maye iyo xildhibaanno.
R/Wasaaraha iyo Masuuliyiinta kale ee lasocota ayaa kulamo kala duwan laqaatay qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Magaalada Marka iyo Maamulka Dowlada ee Gobolka Sh/Hoose iyagoona kala dhinacya badan oo taabanaya jiritaanka Soomaaliya iyo arimaha gobalka laxariira.
R/wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa Marko waxa ay ku tageen diyaarad hela kobtor ah oo ay leeyihiin AMISOM, waxaana safarka Saacid ee gobalka Sh.hoose u noqonayaa kii labaad ee uu kutago iyada oo kii kahoreyay uu kutegay Afgooye, sidaa si lamid ah R/wasaaraha ayaa Muqdisho uga baxay oo kali ah labada safar ee gobalkaasi uu kutegay.









