afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
10:09 pm | Posted by

DHAGAYSO:-Xildhibaan Axmed Jaamac Fidhbool Oo Kawaramaya Guushii Golaha Deegaanka Ee Geneve

xildhibaan fidhboolAxmed Jaamac Fidhbool, oo ah Muwaadin asal ahaan ka soo jeeda dalka Soomaaliya ayaa dhowaan waxa uu ka mid noqday Golaha Baarlamaanka Magaalada Geneva ee Dalka Switzerland.

Ahmed Jaamac oo 29 jir ah, waxa uu ka tirsanyahay xisbiga Social Party ee garabka midig  ayaa Todobaadkan waxaa loo dhaariyay in uu ka mid noqdo Golaha Deegaanka Magaalada Geneva.
Arintaan oo noqotay mida ugu hadalheynta badan dalka Switzerland, ayaa waxaa soo dhoweeyay dadka Soomaalida ee ku nool dalkan Swizerland.
Wareysi gaar ah ee uu Axmed Jaamac Fidhbool siiyay Waraahinta Horseed Media isagoo kugan Magaalada Geneva ayaa waxa uu kaga hadlay sida uu ugu faraxsanyahay in isagoo ka soo jeeda dalka Soomaaliya uu ka mid noqdo Baaralaamnka Magaalada Geneva oo ka mid ah Magaalooyinka ugu caansan dalkan Switzerland.

Waa muwaadiinkii ugu horeeyay ee asal ahaan ka soo jeedo Dalka Soomaaliya ee ka mid noqdo golaha deegaanka ee magaalada Geneva ama dalka Switzerland.

Wareysiga ay Horseed Media la yeelatay oo ahaa mid dheer ayaa waxa uu Axmed Jaamac kaga hadlay arimo fara badan oo la xiriira siyaasada dalkan Switzerland iyo Soomaalida ku dhaqanba.

Halkan ka dhageyso Wareysiga uu Horseed Media siiyay Axmed Jaamac 

cod

Wareysigaan waxaa qaaday Wakiilka Horseed Media ee dalka Switzerland Cabdiqani Cali Dalmar

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM