Shirweynaha Beesha”Aadan Axmed” Oo la Iclaamiyey Xiliga Uu Dhacayo Shirka Beeshu.(Daawo Video)
Gudida qaban qaabada shirweynaha beesha Aadan Axmed oo iclaamisey xiliga uu dhacayo shirweynaha beeshu.
Gudidan oo ku baaqdey in loo diyaar garoobo maalmaha soo socda sidii looga soo qeyb qaadan lahaa shirweynahaasi beesha Aadan Axmed qabsaneyso.
Sidoo kalena sheegay in la dhameystirey xoolihii loogu talagalay Alla-baryiga inta uu socdo shirweynahani, Mudada kama danbaysta ah ee shirku qabsoomayo ayey ku sheegeen 8- 2-2013 hadii alle idmo.
Hadaba Hoos Ka Daawo Muuqaalka Gudida Qaban Qaabada Iyo Halka Uu Marayo Shirweynahani Iyo Tellevisionka Somalichannel oo ka warbixinaya.