WARBIXIN: Cayaartoyda La kala iibsaday, ka hor inta uu xirmin suuqa (SAWIRRO)
Kooxda QPR ayaa si rasmi ah ula soo wareegtay daafaci kooxda Anzhi Makhachkala Christopher Samba.
QPR ayaa la sheegay in ciyaaryahankan reer Congo ee Samba ay kula soo wareegtay lacag dhan 12.5 milyan oo gini, waxaana uu qalinka ku duugay heshiis Afar sano iyo bar ah.
Christopher Samba ayaa shalay tijaabo caafimaad u maray kooxdisa cusub ee QPR, waxaana uu todobaadki mushaar ahaan u qaadan doonaa 100 kun oo gini.
Macalinka kooxda QPR Harry Redknapp ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay imaatinka Samba ee kooxda, waxaana uu tilmaamay in ciyaaryahanka uu ka caawin doono dhinaca daafaca.
Kooxda QPR ayaa haatan ku jirto kaalinat ugu hooseysa ee liiska kala horeynta horyaalka Premier League-ga ee dalka Ingiriska, waxaana ay khatar u tahay inay ku laabato kooxaha darajada labaad ee dalkaasi.
Dhinaca kale kooxda Arsenal ayaa la soo wareegtay daafaci kooxda Malaga Nacho Monreal.
Arsenal ayaa ciyaaryahankan heerka caalami ee xulka Spain kusoo iibsatay lacag dhan 8.5 milyan oo gini, lamina shaacin inta uu la egyahay qandaraaska uu kooxda u saxiixay.
Kooxda Stoke City waxa ay soo iibsatay goolhayihi kooxda Birmingham City Jack Butland, waxaana ay xaqiijisay inay kula soo wareegtay 4 milyan oo gini.
Goolhayahan oo shalay diiday inuu la hadlo kooxda Chelsea ayaa haatan lagu waramaya inuu kooxda Stoke u saxiixay heshiis Afar sano iyo bar, waxaana Stoke ay ciyaaryahanka amah kusiisay kooxda ay kasoo iibsatay ee Birmingham inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.
Goolhayahan heerka caalami ee xulka England ayaa kooxda Birmingham ku biiray sanadki 2010, xilligaasi oo uu kasoo baxay cayaartoyda da’yarta ee isla kooxda Birmingham, waxaana uu kooxda u saftay 29 kulan.