afbakayle.com » Fikaradaha

Maqaal: Jaaliyadda USP yaan lagu Fududaan Aaminaada Mudane Xasan Culusow.
Inta badan guud ahaan dadka Soomaaliyeed waxay ka siman yihiin arin caan ah oo dunida lafteedu ay ku ogtahay, arintaas ayaa ah caadifad kooban oo laga yaabo qofku wax uu Aaminsanaa ama diidana inuu si fudud uga qanco asagoon ka sal gaadhin. Waxaa arintan la xasuustaa inbadan marka khilaaf siyaasadeed ka dhaco Soomaalida siiba dawladda iyo mas’uuliyiinta dhexdooda, waxaa dhacda  marka la dhex dhexaadiyo ooba ay u badan tahay in u kala dab qaadkooda ay dadyowkale oo aan Soomaali ahaayn Garwadeen ka ahaayeen inta la tumo heesta Soomaaliyey toos oo si jibbo ah shafka la isugu dhufto in halkaas la iska raaco , ayadoon mililkii iyo jiridii maartu jiiftay aan si dhab ah loo daaweyn.

Waxaana arintaas ka dhasha in xanuunkaasi uu sameeyo rogaalcelis hawshiina halkii markii hore ay taagnayd meel ka daran ay istaagto. Taasoo noqoto in daawadeeda ama in markale laga Bogsaddo ay noqoto arin wakhti iyo waayo badan qaadata inta badana ku danbaysa Caal waa.!!

Salfudaydka ii Muuqda ee  USP?

Hadaba marka loo soo laabto kulankii Ingiriiska  ku dhexmaray jaaliyadaha USP, ee Khaatumo State, Awdal State & Maakhir State iyo madaxweyne mudane Xasan Maxamuud Culusow wuxuu aha mid wanaagsan oo in dad Soomaaliyeed iyo madaxweynahoodu wada hadlaan wax diidayaa ma jiraan, mana aha arin in la mahadiyo mooyaane laga murmi karaa. Waxaase biyo kama dhibcaan ah in arintani aysan geli karin Caadifad, maxaa yeelay qadiyada meesha taalaa ee shacabkan aqoonyahanada ah ee matala goboladaas iyo Madxaweynuhu ka wada hadlayaan waa arin aan sahlaynayn dheel dheel iyo dig digtoonana aan looga biyo keeni karin, waxaana meeshaba yaala laba qodob oo ay kala xanbaarsan yihiin kuna kala duwan yihiin.

1: Madaxweyne Soomaaliyeed oo ku Eedeysan inuu galay heshiis qaran dumis ah oo aan waafaqsanayn dastuurka dalka u degsan, isla markaana la galay Koox beleed gooni goosad ah.

2:  Mas’uuliyiin matalaya dad iyo beelo magacoodii la qaatay oo wadaniyiin ah una taagan midnimada, wadajirka, qaranimada iyo madax banaanida dalka Soomaaliya ilaalinteeda oo ah shaqadii Madaxweynaha loo igmaday oo ay ayagu hayaan. Labaad cidhif ayaa kala ah kuwa la kala cugsan yahay marka horeba.

Maxaa haboonaa?

Waxaa qumaynayd in arintu ay intan ka balaadhnaato, waxaa xaqiiq ah in sida ku cad heshiiskii April 13keedii ee Ankara Turkey, uu ahaa mid khiyaano qaran ah oo danbi laga galay Midnimada, madax banaanida iyo shuhadadii Daraawiisheed iyo kuwii kale ee u soo halgmay sharafta iyo midnimada dalkan , kaasoo meel ka dhac ku ah xuquuqda xuduudeed, xadeed iyo xayndaabka Jamhuuriyada Soomaaliya oo ay meelkasta ku astaysan tahay dhulkeeda iyo cirifyadoodu iyo Midnimadeedu inay tahay lama ruxaan biyo kama dhibcaan ah.

Sida sawirkan ka muuqata heshiiskan waxaa loo galay sidii laba dal oo kala madax banaan, kaagasii darane waxaa jirey qoraal la kala saxeexday oo heshiis ah, sidaas daraadeed USP madaxweynaha lama aysan gelin heshiis cadaan ah oo qoraal xalaaleed ah oo ku tusmaysan ilaalinta qaranimada, Midnimada iyo madax banaanida , wax ku jabnaana maba jirin hadii beel laba jeer ay ka badan yihiin USP ay ka saxeexdeen madaxweyne Xasan heshiis in USP oo ka saameyn badan, ka wadanisan, ka dhul badan, Soomaalinimo jecel ay ku xujeyn lahaayeen madaxweynoow dhawaaqna meel dheer buu tagaa dhagaxna meel dhow ee na tusoo na taabsii noo saxeex warqad ay ku cadahay waxaan dhawrayaa Midnimada , jiritaanka, xuduudaha iyo xadka beel danbena heshiis la geli maayo, masiirka iyo wada hadalada ku saabsan Waqooyiga Soomaaliyana waxaa loo wada ahaanayaa xaadir iyo waadixi xalala iftiin baa la qashaa ah.

Waxaa muuqata in arintaasay ay dhaaftay ayna ahayd qodobo haboonaa, waxaa kaloo taaas ka sii daran in hadalo dejin iyo is xabiibsi deg deg ah uu ka soo baxay halyeeyadii USP ee khalkhalka geliyey Madaxweynaha kuna muujiyey codkooda wadooyinka London iyo afaafka aqalkii shirku ka soconayey, balse waxaad moodaa inay u weecdeen oo ay aamineen madaxweynaha ayagoo sida ku cad Videogan ku tirtirsiinaya dadka isdajin iyo ka wardhawrid Madaxweyne Xasan Culusow. Madaxweynuhu waa sideed bilood jira, wuxuuna ku talaabsaday arin khatar ku ah midnimada iyo wadajirka Soomaaliya, waxaadna moodaa in haadaan uu ka Laadlaadey ay xadhig ugu tuureen, taasina waxay ahayd deg deg kale oo saameyn ku leh masiirka danbe Soomaaliya.

Madaxweynuhu mar uu u jawaabayey Gabadh reer Khaatumo ah oo su’aalo weydiisay wuxuu sheegay in marka ay timaado dad ka cararaya Midnimada iyo kuwa u soo cararaya tixgelinta la siinayo kuwa tabanaya waloow hadalkiisaasi uu ahaa mid uu deegaan ahaan iyo qadiyan ahaanba runta ugu sheegay kooxda gooni  goosadka ee Hargaysa, hadana markastaba waxaa hadalkiisa shishe ee diblumaasiyadeed laga dhadhansanayey sida uu carrabka ugu dhejinayo in waxii wax diidan ee mucaarada la siinayo tixgelin, asagoo VIDEOgan madaxweynuhu aad u liiliijinaya kooxdaas sifeynaya.

Sidaas daraadeed ayeysan USP xubnahoodii Xasan arkay aysan ugu fiicnayn inay ka debcaan tiigsigooda ilaalinta Cadalaada, midnimada iyo in beel tiro ahaan iyo deegaan ahaanba ka yari aysan hogaan u qaban. Waxaa quman oo aad u haboon in markasta oo madaxweyne Xasan lala kulmayo aan meesha laga saarin dhitooyinkan halkan ka buuxa asagoo markan HALKAN ku sheegaya inuu hub siinayo SNM. Lana weydiiyo waxa uu ku burinayo hadaladan taariikhda galay ee uu meelkasta horey uga sheegay.

Waxaa sidoo kale xusid mudan in USP aysan madaxweynaha ku cadaajin cadeynta midhaha ku jira heshiiskan iyo qodobadan todobada ah ee badankoodu ka dhanka yihiin Midnimada, dawladnimada iyo dadka reer Waqooyi ee midnimo doonka ah Aqlabiyadoodu. Waxaa kaloo isweydiin mudan hadii heshiisku ahaa mid xalaal ah oo aan qaranimada waxba yeelayn maxaa loo diidey in Barlamaanku dhagaysto lacagtana loogu bixiyey in la is hortaago markuu keenay Xildhibaan Ali Khaliif,waxaa kale oo su’aal saaran tahay hadii qodobka 7aad dhigayo heshiiska waxii waxyeela ha la iska dhawro, barlamaanku heshiiska ma qayb ayey ka ahaayeen,? waxaana cadaan ah in qodobkaasi uusan khusayn golaha shacabka maadama aysan meel marin heshiiskaas ayagu, waxaana taas oo sida loo fahmey ah inaan warbaahinta waxba la isku marin ay khusaynaysaa xukuumada iyo golaha fulinta.Heshiiskastana haduusan ahayn mid Barlamaanku ansixiyey ma saameynayo golaha sharci dejinta, ilaa ay qaraar cod aqlabiyad ah horey ugu ogolaadeen dhamaan qodobadii markla la horkeeno.

Xaqiiqduna waxaa weeyaan in aan la hayn ilaa hada wax cad oo lagaga seexdo madaxweynaha inuu fulinayo hadaladiisii London oo u egkaa dejin iyo Diblumaasiyad uu kaga siibanayo wakhtigan adag ee soo foodsaaray, asagoo noqday madaxweynihii u horeeyey ee sadex safar oo uu isku xigta oo reer Galbeedka ah lagu mudaharaaday, si adagna looga horyimid siyaasadiisa guracan, ayadoo aadna loogu Eedeynayo arimo qabyalad, dastuurka oo uusan dhaqangelin taa bedelkeediina qodobo ka saaray iyo federaalisamka oo uu aad uga roorayo.

Ugu danbeyntii waxaan dhihi lahaa shacabka reer USP , kuwa kale ee midnimada jacel inaysan joojin cadaadinta iyo Eryashada madaxweynaha dhulka uu ku imaanayo booqashooyinka, waa in la sii adkeeyaa hadalkii Axmed Cawed Cashar ee ahaa waa inay xildhibaanada barlamaanakl ee midnimo doonka ah Xamar ka baxaan, hadii dhaqankan la bedeli waayo asagoo Qudbadan ku cadeeyey sida loogu tumanayo shuruucda dalka.

Waxayna taladu noqonaysaa waranka yeynaan qalooxin qaabkii ugu wanaagsanaa ayeynu u haynaa, mana jirto wax cudur daar dhab ah oo ficil ah oo Madaxweyne Xasan iyo xukuumadiisu weli ay ku bogsiiyeen boogaha ay damqeen, iyo dhaawaca ay gaadhsiiyeen Midnimada iyo beelaha midnimo doonka ah ee USP.

Suleiman Xaashi Dheere.

Xaashidheere1@yahoo.com

Nairobi, Kenya.

Ardayda Jaamacada Nugaal Ayaa Tahniyad Aroos u diraya Arooska Mustafe Mahamed Duulane iyo Marwadiisa Ayaan Khaliif Omar
Dhamaan Ardayda Dhigata Jaamacada Nugaal University gaar ahaan Teamka ‘NUSGED’ waxay tahniyad aroos udirayaan  mudane Dr:Mustafe Mahamed Duulane iyo Marwadiisa Ayaan Khaliif Omar

oo arooskoodu ka dhacy gobolka sool magaalo madax diisa las-aanod 10/05/2013

Rufaaci Mohamud x.Khaliif

Ilhaan Mohamud Ahmed

Ilhaan Abdi Awke

Anwar Mohamud x.Khalif

Amal A/rashiid Esmail

Amina A/raxman sulaiman

Amina Sulaiman Mohamud

Fatxiya Mohamed Jama

Fadumo Ali Nuur

Azizah A/lahi Omar

A/wasic Mohamed Ahmed

A/risaaq Hassan A/dalle

A/rahmaan Jaamac Sahal

A/xafid  Haybe Mohamuud

Abdifatah A/lahi Awil

Awil x. Ise Ali

Ashaluul Omar Jama

Mohamud A/rahman Calawaash

Mohamed Mohamud x. Hassan

Fahdi A/rahman Calawaash

Hamdi Nucaale Nuux

Faadumo Jama Hassan

Shaafic    Abdi Sulaiman

Zainab A/lahi Omar

Roda Yaasiin Ali

Sowda A/lahi Sulaiman

Layla A/lahi Ducale

Adan Mohamed Calas

Hussien Haruun Salaad

Waxaan leenahay dhamaantayo noqda qoyskii isku waara ubad khayr qaba kala hela aamiin …. aamiin…aamiin

MAQAAL;-Lama helo Dhalinyarooy waxaan ciddi u hawshoone
Asalaamu calaykum

Allaah ayaa mahad oo idil iska leh,nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad  korkiisa ha ahaato.naftayda iyo naftiinana waxaan idiin dardaar mayaa cabsida ilaahay( SWT)

Waxaan salaan qaaliya usoo gudbinayaa dhammaan dhallinyarada Maamulka khaatumo meelkastoo ay joogaan, waxaan rabaa in ay ila  wadaagaan  arinta igu dhalisay qormadaan qanlinkana igu qaaday.

Dhabta hadalka mar baad dhayal umoodaa

Mar ayaad dhunkaal moodaysaa dheeman lacageed .

Mar ayaad dhibkaagaba aqoon kii wax kuu dhimay .

mar ayay dheguhu aysan maqal dhawaq walaalkaa..

Dhaayuhu marbay kuu qabtaan dhaanka dibigaale .

Dhimashadu marbay kugu xaq tahay nolosha dhaantaa

Guud ahaan dhaliyaradu waa horumarka iyo mustaqbalka wadankasta, dhalintu waa kuwa  saldhig unoqda Horumar, Farxad iyo Wanaagba ,  waa  xooga ugu  fir fircoon ay ummad walibaa leedahay waana muraayada kaliyaa ee laga eegto waxa bulsha kastaa ku danbeyn mustabalka  oo  hadii ay  kaalintooda ku qotonto  karti iyo hufnaan  la saadaaliyo  in masiirka ummadaa  uu himilo wanagsan  ku danbeyn  doono  maadama ay yihiin  hogaanka  bari,

Dhalinyaradu waa kuwa ah  horseedayaalka horumarka iyo Badbaadiyaalka Bulshadooda waana Hagayaasha maanta iyo bari

Dhalinyaranimadu waa xiliga ugu wanaagsan ee qofka bini’admiga ah soo mara xiligaas qofku wuxuu kulansadaa fursado uusan markale heleynin, waxay yihiin c/fimaadka,tamarta iyo firaaqo badan.

Culimada c/fimadku waxay tilmaamaan hormuunada dabiiciga ah ee uu leeyahay qofka dhalinyarada ah in ey xiligaas aad u badan yihiin taasina ey ka qeyb qaadaneyso fir fircoonida dheeriga ah eek u jirta.

Bulsho kastaa waxa ay ku hor martaa dhalinyaradeeda, bulshooyinka hor u marey waxaa hubaal ah in ey leeyihiin dhalinyaro qiimo badan oo wadaniyad leh, hadii aan taariikhda dib u raacno halgamadii dunida ka dhacay waxaa hor u mood ka ahaa dhalinyar sida:-

Halgankii Islaamka; wuxuu ku tisqaaday  oo lafdhabar u ahaa dhalinyar ( Saxaabo ) ay yaqiintoodu saraysay towfiiqdoodu ay xooganayd fahamkooda diinta uu gaarsiiyey in ay ku hamiyaan in ay dhamaan bina- aadamka dunidaan guudkeeda ku dhaqan ay gaar siiyaan naxariista   iyaga oo diinta islaamka ku faafiyey dhamaan dunida waqti yar oo kooban.

Halgankii Sayidka; Sida aan ogsoon nahay sayid maxamed cabdulle xasan oo ahaa halgamaa weyn oo soomaaliyeed waxa uu aasaas u ahaa halgankii gobanimo doonka ee uu kula dagaalamayey gumeystihii gayiga soomaaliyeed qabsadey, waxaan ka wada war qabnaa sayid maxamed iyo daraawiish guulihii waaweynaa ee ey ka soo hooyeen gumeystaha.

. Halgankii Leegada ( SYL ); sida aan ognahay waxaa saldhig u ahaa halgankaas dhalinyaro soomaaliyeed ayaga oo go’aansadey in ay wadanka ka xoreeyaan gumeystihii haystay

Abwaanka soomaliyeed Xaaji Aadan Afqalooc mar uu dhalinta la hadlayey waxa uu yiri:-

*Hadduu geed engego xaabadaa laga idlaystaaye

* Mid yar oo iniintiisa ahbaa soo awaal baxa e

* Isagaa anfaaciga hadhkiyo oodda kaafiya e

* Dadkana odaygu goortuu ka baxo iyo islaantiisu

* Ubadkooda hadhabaa tabcoo aayatiin hela e

* Markii Aadam iyo Xaawa iyo keynta la abuuray

* Sidaasay arwaaxdiyo dhirtuba ku isiraayeene

* Umaddaan shabaabkeedu hanan waa u ayaan xuma e

* Inamiyo hablahaba waxaad tihiin aarankii kacaye

* Itaal gabe dadkiinii hore waydin aragtaane

* Idinkaa amaanada xilkii eeggan qaabilaye

* Iskaa wax u qabsada noloshu waa udub dhexaadkiiye

* Israafkiyo fadhigu waa waxaad ku anbanaysaane

Gabaygaan waxa  uu si toos ah ula hadlayaa dhalinyarada una tilmaamayaa in ay yihiin dhalintu kuwa la rabo in ay anfacaan dadkooda iyo dalkooda buuxiyaana kaalintii ay ka tageen dadkii iyaga ka horeeyey, haddiise ay hanan waayaan ay ayaan daro tahay.

Haddaba haddii ay woodaha iyo wax  qabadka dhalinyaradu sidaa yihiin taariikh hore iyo tu dambena ay qortay bal waa sidee tii dhalinta khaatumo iyo kaalintoodii ku aadan horumarka dadka iyo deegaankoodi? Ahna arinta qormadaan.

Run ahaantii dhalinyarada khaatumaay waxaa tihiin laf dhabartii iyo hormuudkii dadka iyo dalkiina laakiin waxa muuqata habacsanaan iyo kaalin bananan oo aan in dhaha laga qarsan Karin  loona baahan yahay in labuuxiyo.

dhalinta khaatumaay  aqoonyahanadii dalka iyo dadkow sida uu xaalkeenu yahay  dhabtii waxaa muuqata dib u dhac balaaran oo aan la dhayal san Karin una baahan in aan maanta meel kasoo wada jeesano oo an qeeybsananta ka xuub siibano oo waqtigii iyo waayihii ina soo maray wax ku qaadano oo aan u midowno sidii aan gar gaar iyo garab aan ugu noqon laheyn bulshadeena oo diifta  ka muuqata aan u dhaba galno sidii an uga saari laheyn inagoo adeegsaneyna cilmigeena iyo cududeena.

Dhalinta khaatumaay sida gabayga kore tilmaamayo  waxaa tihiin aarankii soo kacaye waxaana laydinka fadhiyaa in aad hanataan dalkiina deegaankiina iyo dadkiina qaadataanan kaalin wax ku ool ah cududiinana midaysaan qofkastana hamiga ha  ku qabta siduu wax u badeli lahaa doorkiisana u ciyaari lahaa.

Yaa laga doonayaa wax qabad iyo in ay kaalintooda buuxiyaan?­­­­­­­

Guud ahaan dhalinyarada khaatumo in ay wax qabtaan oo kaalintooda ka soo dhalaalaan baa loo baahan yahay gudo iyo dibad meeshay doonaan ha joogee gaar ahaan dhalinta aqoonyahanka ah ee wax baratay.

halkee wax laga bilaabayaaa?

wax kasta waxa ay leeyihiin meel laga bilaabo oo ah aasaaska ama salka  hoose  asaaska nolasha ee ay tahay  in bulsho hesho si ay u hormato waa nabadgalyada,  xarumo caafimaad, biyo nadiif ah, waxbarasho,

Kadib marka la helo dhamaan waxyalahaa asaaska u aha horomarka bulshada ayaa wax imankara in la rukumada loo taago waxqabad wax ku oola , inkastoo aysan suragal ahayni in mar qura waxqabadka laga mira dhaliyo , taasna wax ay ku xirantahay hanaan socodka bulshada, tuusale ahaan hadi la waayo nabad gelyo waxa adkaaneysa in wax qabad buuxa laga dhalin waayo inti kale taasina wax ay curyaamisa hormarka bulshada,mar walba oo la xuso horomar ay gaartay bulsho , waxa lagu tilmama in ay tahay bulsho ku wanaagsan waxqabadka, lehna asaas adag oo ku salysan dhaqan maguuraana, bulsho ku wanaagsan heerka aqoonta, ayna u dhan yihiin dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshda ay ugu horeyaan  dhalinta, indhagaratada , aqoonyahada iwm, waxana hubaal ah bulsha kasta oo sida u fekerta in ay gaareyso yoolka ay hiigsaneyso oo ah horomar ay rabto in ay ku talaabsato.

Side wax loogu qaban karaa deegaankii iyo dadkii­?

v  In la go’ aan  sado in wax la qabto  dabadeedna ilaahay la talo saarto maxaa yeelay ilaahay waa jecelyahay kuwa talo saarta asaga sida ku cad qawlka alle ee kor ku xusan

v  In la wacyi galiyo iyo in wax la baro dhalinyarta hubeysan iyo kuwa jaadka cuna si loogu sameeeyo  mustaqbal wanaagsan wadankoodana ay dib wax ugu tari lahaayeen,

v  Waxa loo baahan yahay in dhalinta khaatumo dhigato barnaamijjo dhamaystiran oo ay kaalintooda dhex u xirtaan ayagoo iskaashanaya

v  In calaamka la tuso xaqiiqa dhabta ah lana siiyo macluumaadka saxa ah  ee dadka iyo deegaanku ku sugan yahay  silooga bogsado fariimaha khaldan ee horay u baxay

v  In fadhiga laga kaco iyo jiifkaba oo qof walba falankeeda qabto siduu aqoontiisa ugu faa idayn lahaa goboladii iyo dadkii

v  In lahelo dhalinyaro ka soo jeeda deegaanka khaatumo oo si mutadawacnimo ah uga hawlgasha deegaanadii maamulka  khatumo oo naftooda iyo maalkooda u hura deegaankii mudo gaaban ba ha noqotee oo leh takhasusyo kala duwan

v  dhalinyarta dalka dibadiisa wax ku barata waxaa laga doonayaa in ey isku xirnaadaan, oo ey istixgaliyaan waxna wada qabsadaan si loo baadi goobo midnimo loogana boxo kala googo’a ragaadiyey mujtamicii iyo bulshadii deegaanada khaatumo ee ab iyo isir iyo islaamnimo intaba wadaagey,

v  waxaa loo baahan yahay urur dhalinyaro oo mideeya dhalinta khaatumo lasameeyo ogaantay mamaqal  haddiise uu jiro la xoojiyo si isku meel loogu hayaamo geedigana loogu jiheeyo

v  in la sameeyo nimaad isku xira dhamaan qaybaha bulshada oo ay dhalintu hormuudka noqdaaan.

yaa lala kaashanayaaa?

Ugu horayn allah ayaan la la  kaashanayaa

waxaa lala kashanayaa dadka degaanka gudihiisa iyo dibadiisa ku dhaqan danaynaya horumarka iyo wanaaga deegaanada khaatumo

hay’addaha caalamka ee ka haw gala gudaha wadanka soomaliya gaaar haan kuwa ka hawl gala deegaanka maamulka khaatumo

Guntii iyo gabo gabadii

“ Ilaahey Ummad ma badalo ilaa inteey iyaga iska badalayaan”

Raiisul wasaarihii hore ee Malaysia Dr. Mahathir Mohamad oo ka mid ah dadka taariikhda baalka dahabiga ka galay marka laga hadlayo wax qabad iyo horumarna qofkasta maankiisa ku so dhacaya sida uu wadankiisa iyo dadkiisa horumarka la taaban karo u gaar siiyey  Wuxuu Mahathir halhays u ahayd :-

( Dadka Muslimiintaa wey ducaystaan laakiin wexey hilmaamaan inaan xaalkooda Ilaahay bedelayn haddaaney iyagu is bedelin). Taas oo ku salaysan qawlka allah

Marka waxaa loo baahan yahay  in is badel lala yimaado si loo gaaro horumar wax ku ool ah una istaagtan  in aad ugargaartaan Dadkiina iyo deegaankiina Kaalintiinana dhalinyarada khaatumaay aad dhexda u xirataan

Shardi ama waa jib maahan in aad wax weyn qabatid laakiin waa in aad wax qabataa habayaraatee,dhagaxu waxa uu ka yimid wax yar ama guruurux.

Marka walaalkayga khaatumaawiga ahoow

Hadii aadan istaagin Maanta Goorma ayaad is taagaysaa?

Hadii aadan Maanta u gargaarin dadkaaga iyo deegaankaaga  goorma ayaad u Gargaaraysaa?

Hadii aadan Maanta ogaanin doorkaaga banaan Goorma ayaad Ogaanaysaa?

Hadii aadan Maanta Qiiroon Goorma ayaad Qiiroonaysaa?

Hadii aadan manta u tartamin danta guud goorma ayaad u tartamaysaan?

Ogow beero faluhu ama beeralaydu ma goosato ilaa waxa ay beerteen maahane  cidkasta waxay helaysaa waxii ay horay falkoooda u geeysatay

Dhalinta khaatumaay idinkuna ha u fadhinina intaad fasheen ka badan.

Wabilaahi tawfiiq

W­/D  Maxamed    Xuseen    Maxamed (Lafoole)

Khartuum sudan  mlafole@hotmail.com

Fadliga Akhriska Qur’aanka Kariimka (Qore Mohame Keenadiid)?
Bismilaahi Raxmaani Raxiim, Akhriste marka hore waxaan maantana kuu soo gudbinaya  xalqo kale oo aan ku eegayo barnaamijyadii taxanaha ahaa ee ku saabsanaa  arimaha Bulshada,waxaana maanta ku eegi doonaa Waxbarashada caruurta iyo isbadlka ku yimid waalidka.

Sanadihii burburka waxaa isbadal ku yimid sida waalidka soomaaliyeed ula dhaqmaan waxbarashada Caruurta gaar ahaan mida diinta islaamka,taasi oo ay ka xoog badatay barashada aqoonta Maadiga ee lagu shaqeyo,hadaba maxaa sidaas sababay,waxaan la kaashaday dad aqoon yahano iyo Macalimiin dugsi quraan oo aan wax ka weydiiyay arimahaasi.

Macaliminta aan la kaashaday ayaa ii sheegay in waalidka ka door-bidaan barashada cilmiga maadiga ah,si bari uu ugu anfaco naftiisa iyo Nafaha kale ee masuul uu ka noqon doono,waxaana macalimiinta ii xaqiijiyeen in 5-caruur ah ee ka yar 12-jir waalidka u badiyaan aqoonta 4-ka mid ah arimaha maadiga.

Umadda somaliyeed waxay caan ku ahaayen in Ilamaha marka uu 5-jir yahay loo bilaabo barashada qur’aanka kariimka oo fure u ah barashada cilmi kasta oo aduun,waxaana waalidka soomaaliyeed uu ahaa mid ilmihiisa ku kantaroola waxbarashada Qur’aanka karimka sida ay xasuustaan inteena badan gaar ahaan kuwii dhashay wixii ka horeyay 1990-1998 oo ahaa xiligii uu sii yaraanayay in xooga la saaro barashada qur’aanka kariimka ah.

Akhrite maahan in aan leeyahay Guud ahana dadka faraha waxay ka qaaden barashada qur’aanka iyo akhriskiisa,balse waxaa hoos u sii dhacaya dadka u dareera barashada qur’aanka oo ah aayaadka ilaahey ee aduunkan ku kala socday,taasi u baahan in xooga la saaro.

inta aan ka bixin arimaha caruuraha  aan u mahad caliyo waalidiin qaar oo caruurtooda u ogolaaday in ay xogga saaran barashada aayadka ale oo ah mid waajib ah qof walba oo islaam ahna ku ah waxaana islaamka waa iftiin u yimid aduunka oo dhan Hor iyo dhamaadba Dadkana waxaa ku waajib ah in ay xooga saaran barashadiisa.

Fadliga Akhriska Quraanka Kariiimka

Walaalayaal fadliga quraanka akhriskiisu iyo ajarka uu u leeyahay qofkii doonaya raali ahaanshaha illaahay (SW) iyo ajar weyn uu u leeyahay camalada uu ku qabanayo ee quraanku u xadidayo, fadligani waxa uu u sugnaaday cidii doonaysa raali ahaansha illaahay, waxana khasaaray cida aan la kulmin fadligan dhamayska tiran ee quraanku leeyahay, waxa ku sugan sunnaha fadliga ay leeyihiin suurado kooban oo khaas ah oo ay ka mid tahay Faataxadu.

Hadaba walaalyaal ku dadaala badinta akhriska quraanka weliba bishan ramadaan uu soo degay quraanku, Malakul Jibriil wuu u soo bandhigi jiray Nabiga (CSW) quraanka bisha ramadaan sannadkiiba mar, sannadkii uu Nabigu (CSW) uu dhiman doonana laba jeer ayuu u soo bandhigay dadkii hore ee muuminiinta ahaana waxay ku dadaali jireen quraanka akhriskiisa wakhtiga salaada iyo marar ka kaleba.

Suhri waxa uu odhan jiray marka ay soo gasho bisha ramadaan “Waa bishii quraan akhriska iyo quudinta masaakiinta”,  Maalikna marka ay soo gasho bisha ramadaan waxa uu ka tagi jiray akhriska xadiiska iyo meelaha cilmiga lagu akhristo waxana uu akhriyi jiray quraanka. Qataada waxa uu dhamayn jiray quraanka todobaadkiiba mar, bisha ramadaana saddexdii cishoba mar, tobanka ugu denbeeyana habeen kastaba. Ibraahim Nakhci waxa uu quraanka dhamayn jiray bisha ramadaan saddexdii habeenba mar tobanka denbena labadii habeenba mar. Aswad waxa uu akhriyi jiray quraanka oo dhan laba habeen oo bisha ramadaan ka mid ah.

Walaalayaal waa in aanu ka duyaanaa dadkii ehlu khayrka ahaa oo aynu raacno dariiqooga inagoo habeenkii iyo maalintii uga faa’iidaysanayna wixii illaahay ugu dhowaanayno waayo wakhtigu wuu is guraya oo maalintiiba ayaad mooda saacad.

Illaahayow nagu arsaaq akhriska kitaabkaaga si aad raali naga tahay naguna hanuuni dariiqa toosan, illaahayow naga saar mugdiga oo noo saar nuurka, illaahayow quraanka xujo nooga yeel, illaahayow darajadayada kor noogu qaad madowgana noogu iftiimi, illaahayow noogu denbi dhamaan anaga iyo waalidiintayadi iyo dhamaan umada musliminta ahba raxmadaada. N.N.K.H Nabigeeni Maxamed isaga iyo ehelkiisa iyo Asxaabtiisa dhamaan.

Ugu danbeytiina Dhaliyarada soomaaliyeed oo bartay qur’aanka ayaa waxaa ay ka gaabinayaan akhriska iyo barashada quraanka kariimka ah ilaahey baa ajar kaa siinaya miisaankaga xasanaadkana waa kuu galeysaa  Marka walal  wakhtigaaga badankiisa ku bixi si aad u Xifdso quraanka,meeshii aad kaga mashquuli lahayd  Ciyaaro iyo dano aduun oo aan ajar lahayn.

Waxaa iga caawiyay Culimo soomaliyeed qormadan.

W/Q Mohamed Keenadiid

Saadaq89@gmail.com

Beelaha Biimaal, Digil iyo Mirifle, iyo beelaha banaadirga ee dega gobolka shabeelaha hoose oo beeniyey dulmina ku tilmaamey warbixintii ay qoreen websiyedada qaarkood
Beelaha Biimaal, Digil iyo Mirifle, iyo beelaha banaadirga ee dega gobolka shabeelaha hoose oo beeniyey dulmina ku tilmaamey warbixintii ay qoreen websiyedada qaarkood hadalkaasi oo ahaa warbixin dacayaad ah oo aan laga fiirsan, loona dhigey si laablakac ah oo uu maseyr xumo ku dheehan tahay..

Beelahan dhammaan wada dega gobolka shabeelaha hoose, oo walaalo  ku ah lihina ku leh gobolkaas ayaa wax aad uga caroodey warbixinta cadiifada aheyd ee ay websidyada qaarkood ay ka qoreen Siyaasi  ahna Madaxweynaha maamul goboleedka Udub Land  iyo Hay’adaha gargaarka ee ka shaqeeya gobolka kuwaasoo kala ah WFL iyo AYUUB  iyo saraakiisha hay’adaba.

Qowmiyadahan ayaa waxa ay aad uga coroodeen wararka ku tirakuteenka ah ee si ba’an looga been abuurtey saraakiisha hay’adaha samafalka ee ka shaqeeynaya gobolka Shabeelaha Hoose tan iyo 1992 iyo odeyaal dhaqameedyada degaanka ka soo jeeda..

Beelahan oo si wadajir ah kulamo kala duwan ku kala yeesheen caasimada Muqdishu, degmada Marka, iyo degamada Baydhaba ayaa cambaareeyey dadka ujeedada qaaska ah ka wata gobolka shabeelaha hoose ee ka soo duuley gobolada Dhexe.. Beelahan ayaa waxa si cad ah uga go’an iney u jihaadaan gobolkooda rasmiga ah ee Illaah ku maneystey dagaal taariikhi ahna ay la soo galeen dowladii talyaaniga ee gumeysiga wadanka ku soo galey.. waxa ay na ka siman yihiin iskuna wada raacsan yihiin Mabda’a guud ee la dagaalanka cadowga guud ee ka soo duuley Guri Ceel.

Waxa wax lala yaabo ah in hay’ado samafal oo si fiican gobolka looga yaqaan, lana wada ogsoon yahay waxa ay wadanka iyo gobolkaba  ka qabteen tan 1990 ayaa cadiifad qabiil  iyo dacaayad raqiis ah darteeda lacago loogu baxshey warbixino aan meelna ku saleysneyn. Hay’adaha WFL iyo AYUUB waxa ay badbaadiyeen oo ay gargaar ufidiyeen 4500 caruuru iyo hooyooyin aad u sabool ah oo ka kala yimid gobolada soomaliya, kuwaasi oo maanta noqdey  iftiin baxaayo, soomaaliya iyo duunyaduba meel waliba laga ogsoon yahay..  Hay’adahaas wax shuqul iyo afaaro ah kuma laha la xiriirinta al shabaab iyo ladagaalanka beelaha ku dagaaltamaya Marka, waa hay’adad dhex dhexaad oo ay u simin tahay dhammaan soomaliweyn gaar ahaan beelaha ku nool gobolka shabeelaha hoose.  balse waxa ay baaq u dirty nabadeynta iyo deganaanshaha gobolka iney tahay midda keliya ee guul lagu gaari karo.

Waxa la ogsoon yahay iney jiraan odeyaal qabqabliyaal  dagaal iyo kuwa qabiil ahaan ku  soo duuley isku baheystey oo shidaya dagaalka, kuwaasi oo ay ka mid yihiin qabiilkii dhaca iyo boobka u geyysan jirey maatada gobolka 2000-2008.

Waxa ay marlabaad iyo mar seddexaadba u sheegayaan beelaha Biimaal, Digil iyo Mirifle, Banaadiri in ay aad uga xun yihiin falalka xun xun ee ka baxsan bani’aadinimada ee ay qorayaan websiyada qaarkood, kuna cambeereynayaan cidda ka dambeysey, iaygoo og, xog ogaalna u ah shaqsiyaadka warbixinada qoraya, noocooda iyo sida ay kala yihiin.

Waxa kale oo ay marqaati kacayaan in hay’adaha samafalka ee WFL iyo AYUUB ay yihiin hay’ado u gargaaro agoonta gobolka shabeelaha hoose ee ay wax ku soo kordhiyaan gobolka, taasi lideeduna ay hay’adaha kale qaarkood ee gobolka jooga iney ka rartaan wax kasta ee samafal loogu soo tala galey ayna u gudbiyaan gobolada dhexe sida Guri Ceel Iwm, taasina loo haayo cadeemo cad cad.

Xarumaha kale ee Ayuub, Iimaan center waa goob lagu barbaariyo oo ay leeyihiin agoonta soomaaliyeed tan 1990, halkaasoo ay ka iflaxaadey dhallinyaro  fara badan oo ay maanta kala jooga dunida dalcaladeeeda.

Waxa mucjiso ah in Marka ay degaan ahaan ku yihiin beelaha Soomaaliya ay ka kooban yahay oo idil, uguna fagfag iyo dhibaato badan beeshan soo duushey oo keliya iyadoo rabta iney sii wado gumaadkii iyo dhacii lagu yaqiin, laakiin taasi waxa ka soo horjeestey Dastuurka Soomaaliya maanta u qoran oo ah ama ku dhisan FEDERAL.

Sida Eebu noogu yiri, Xaqqu waa soo daahiraa, baadilkuna mugdi ayuu gelayaa, micnaha dadkii deegaanka ahaa wey isku xirteen weyna u wada dhan yihiin difaacooda xaqqa ah ee gobolkooda , ciddii dulmi iyo iska weyni ku soo duushana muruqooda ayey la tiigsan doonaan inshallaah.

Warbixinada shirarka beelaha dega gobolka iyo warbixino kale kala soco si toos ah www.markanews.net

Hussein Nuur

Email: markacaddey@gmail.com

Markacadey

MAQAAL:-Qoomiyadda Daarood waa inay bedelaan guud ahaan Firidhkooda siyaasadeed{Qormo}.
Tan iyo intii dawladdii Soomaaliyeed meesha ka baxday, waxaa jirey colaad baahsan oo ka cidhif ka cidhif ah oo lagu beegsanayey beesha Daarrood oo run ahanatii ayagu dhankasta laf dhabar ugu ah umadda Soomaaliyeed.

Marka dib loo milicsado halganka iyo gobonimo doonka Soomaaliyeed meelkasta ama dhankasta ilee Axmed Gurey waxaa hormuud u ahaa Daarood . Waxaa jirey in dawladiii Daraawiisheed ay mar ahayd tan ugu balaadhan qaarada Afrika ee halgan la gasha Ingiriis , Talyaani,Xamashi iyo Greece .

Waxaa jirta in weligeed Qoomiyadda Daarood aysan yeelan shir keligood ah, isla markaana aysan weligood wa ku heshiin. Qoomiyaddani waxaa qoomiyada labaad ee Geeska Afrika iyo bariga dhexe ugu badan . Qormadan uguma talogelin inaan kaga faalodo taarikhi waxaan ujeedkeedu yahay talo kooban oo yar oo deg deg ah.

Waxaa loo baahan yahay in Qoomiyadani ay ku baraarugto arimaha nacaybka ah ee walaladod Soomaali u quudhayaan isla markaana ay si salmi nabadgelyo iyo siyaasad ah uga hortgaan, meelaba kuma banaana in lagu duulo dadkle cid caqli leh oo ku talinaysaana ma jiro balse waxaa jira arimo loo baahan yahay in bilo gudahood loofa falaxasho.

1 Midnimada

Waa in la qaban qaabiyaa shirweyne Daarood oo lagu mideynayo hadaflka guud ee Siyaasadeed, waan hubaa in Darood uusan boqolkiiba boqol uusan midoobi karin balse ugu yaraan waxaa jira waxyaalo nolosha Aasaasi u ah oo lagu midoobi karo.

2. Nabadgalyada.

Waa in arintani noqotaa tan ku xigta isla markaana dhulka Qoomiyadan ee farogelinta lagu hayo, deg deg wax looga qabtaa laguna dayaa wada hadal hadii kale cudud Military loo diraa. Waxaa dhulkaas u noqon kara tusaale Laascanaod, waana in laabta lagu hayaa inaysan Daaroodnimo shaqayn karin hadaan la isku hiilin. Waxaa jira cududo daarood oo awoodii cadowga ku wajahnayd u weeciyey la dagalanaka tolkood, kuwaas waa in la ergeeyaa waxaana inagu filan C/raxmaan Sheekh Maxamed Faarole, kaasoo caqabad ku ah midnimada Daarood, waxaana loo baahan yahay jufdiisa hoosee Maxamed Harti ay qabtaan si loo dhimo kala cararka tolka, la isuguna soo dumi in qaab qabiil ama tolnimo loo noqdo bah wadaag.

Waxaa kaloo la rabaa in Saacid loo sheego inuusan Gabadha uu qabo ee Caasha X. Cilmi booska ku helin ee uu ku fadhiyo magac daarood mas’uuliyad Soomaanimo ka sokowna uu dhawro kana shaqeeyo midnimada, waa in taas Sadde daarood looga ergeeyaa si ay ugu dhaartaan inuu yahay Raysal wasaare awood madax banaan leh oo ku fadhiya wax qaybsigii beesha Daarood ee 4.5ka

Horgalada Daaroo ee ay ugu horeeyaan kuwa Dhulbahante waa inay ogadaan in if iyo akhiro aan laga cafiyi doonin dhibkeey gaysteen/gaysanayaan, Akhri markaan lee yahay Eebe ayey gacantiisa ku jirtaa laakiin waxaa hubaal ah in daalim dadkiisa iyo dalkiisa dhibaateynaya uusan Eebe u danbi dhaafi doonin’Insha Allaahu’.

Kuwaasna waa in loo sheega in noloshoodu ku xidhan tahay sida ay yeelaan maalmaha soo socda.

Waxaa yaableh in Kismaayo noqotay waraabo dareerin, waxaanse xasuustay nin buka boqol u talisay, meel dadkeedii la isku adeegsanayo oo aan loo ogoleyn maamul habarkasta waa u soo tafaxaydanaysaa. Bal dhawaanba aynu sugno beesha Isaaq oo ayaguna hadal ka soo saara.

Gabgabadii waxaa la doonayaa in DAARROOD ay ogsoonaadaan in lagula jiro dagaal Military , mid siyaasadeed iyo mid quudhi waa, oo ku aadan cududooda, cilmigooda, caqligooda iyo dhulka Eebe ku manaystay ee Soomaaliya ugu baaxadda weyn. DHulkan hadaan midnimo ahaan, siyaasad ahaan iyo gacan ahaan loo difaacin waxaa hungureyn doona Habar dugaag oo dhan iyo cidkasta oo hamisa run iyo beenba.

Waxaan ku afmeerayaa odhaahdii Cali Dhuux ee raadintiisii xaqa Daarood sanawaadkii 1945.

Daarood hadhuudhkiyo sidii, hilibka loo boobye

Inkastuu hundaha iyo u dego, webiga hoostiisa

Geeluu habeenka u lahaa, looga hadhiwaaye.

Nin hamraday haldoorkiisu waa, lagu hamoodaaye

Hilqadliyo iyaba waa sitaan, halawle Maadhiine,

Hadday kaga haq siiyaan rasaas, lagama haageene.

Nimankaan haraadkiyo aqoon, Hawdka mariddiisa

Kolay Habar Jecliyo Ciise tahay, waw handanayaane

Nin waliba hadhuub buu toshiyo, haamo gooniya’e,

Haweenkuna hadday doonayaan, inay hidiidaane.

Afbakaylenews@gmail.com

Maxaa Xal U Ah Horgal SMN-ta?
W

axaa hubaal ah xaalada reerka dhulbahante ku jiro maanta inuu isagu isagu wacan yahay. Ayadoo dadku ka wada dharag sanyihiin arimihii sababay inay gacanta ka baxdo magaala-madaxdii gobolka Sool ay ugu weyneyd, nin u dhashay dadka reer SSC oo soo horgalay cadow. Waxaa nasiib darro ah inaan wali arinkaa xal loohelin ilaa maanta. Halgankii dheeraa ee reer SSC galeen oo wajiyo badan soo maray naf iyo maal badanna kusoo baxeen. waxaa inoogu cadaaday in hadii dadka reer Khaatumo meel u jeestaan ay guul ka keeni karaan hadey doonaanba hayaraadeene.

Dadka reer Khaatumo waa dad ilaah hoodo usiiyay geesinimo ay kaga jibo keenaan goobta dagaalka. taasi waa marka ay is-hayaan cadoow cidkale ah oo ay meel ugasoo wada jeedaan. Arinta caqabadda weyn inagu noqotay cadowgeenana unoqotay meesha qudha ee ay inagasoogalaan waa qof kula dhashay oo kugu abtirsanaya hadana cadow kuu soo horgalaya. Cadowgaas oon cidna bixineyn hanoqoto kii soo horgalay reerkoodii iyo midkale toonee. Magaaladii Lascanod ee cirkaa mareysay markii aan cadowga usoo horgalay waxaa maanta u danbeysay in lagadhigo mid ladilo, midlaxidho, iyo mid carara.

Caqliga saliimka ahi waxuu ku tusayaa in daad kugu soosocda oo gurigaaga aad ogtahay inuu duminayo aad iska moosto. Waxaan ilaa iyo hada qaadan la’ahay ninka kugu soowada cadow aan waxba kuu reebeyn oo waliba aargoosi ku socda waxa la’isaga qaban la’yahay!!!! Horgallo badan oo hagardaamooyin dadkeena ugeystay ayaa jira. kuwa ugu damiirka xun ee ku caanbaxay inay hooyooyinkood iyo walaalohood layaan hadana ku sandareero doontaan waxaa kamid ah Xaabsade, ina Canbaashe, Kayse Yuusuf, iyo kuwa kale oo badan. Shirir badan oo arinkan lagu lafaguray ayaa in badan dibad iyo gudaba ka dhacay. Waxaad moodaa in waxba ilaahada ka suuroobin, haday suuroobeena ay aad u yartahay.

Dhibkooda

Dhacdooyinka aadka u xanuunka badan ee ragani ku kaceen, ayadoo aan lasoo koobi karin, aan ka xusno tii fooshaxumeyd ee caruurta dugsiyada Lascaanood markii ay ka mudaharaadeen manhajka gurancan ee buunbuuninta tariikhda SNM ku dhisan inaanay doonayn. Horgalada mijinta qaadka ah ku shaqeeya, uu ugu horeeyo nin badhasaab ugu magacownaa SNM gobolka Sool, waxay kadhigeen caruurtaa wax ladilay, wax cararey, iyo wax xasiga Mandheera loodaabulay.

Arintani waxay eheladii caruurtaa dhashay dhaxalsiisay maalmo badan oo murugo badan. Dhashaadii oo nin kula dhashay intuu kaaxidhay hadana Hargeysa u dhiidhiciyay si uu wagi ugagahelo SNM-ta uu abaanka u yahay waxay reebtaa uur kutaalo aad ubadan. Dacwado badan oo dadka dabaduhu qeybweyn kaqaateen, oo caalamka loogu soo bandhigay tacadiyada maamulka SNM ku heyso dhalaanka dugsiyada ee reer Lascaanood kadib waxaa suuro gashay in lasoo daayo. Dhacdo kale oo taa ka xamuyd waxay aheyd: dagaalkii ciidanka Khaatumo kula galeen SNM bishii sadexaad 31-keedii (2012) duleedka Lascoonod. Dagaalkaa oo SNM aad loogaga gacansareeyo lana caydhinayo, waxaan xusuusanaa in rag horgaleyaal ah uu ina Canbaashe hormuud kayahay ay dhabajabin ku sameeyeen ciidankii Khaatumo. Waxii halkaa ka dhacay dadku wey ka wada dharagsanyihiin.

Waxaan aad u xussustaa ninka Xaabsade layidhaahdo, ayadoo hagar daamooyinkiisa aan lasoo koobi karin, dagaalkii Kalshaale in iyadoo dadka reer SSC beebayaal lajiidhsiiyey hadana uu ku faanay inay kala ceydhiyeen waxuu nabad diid ugu yeedhay. Ilaa intaanuu dagaalku kululaan, Xaabsade si joogto ah ayuu tolkii saxaafada af-xumo iyo digasho ugu soo marinayay. Markuu xaalku ku xumaaday kuwuu abaanka u ahaa oo dagaalkii lagu naafeeyay ayaa hadana loosoo dhiibay heshiisbaan dooneynaa.

Halkan tusaala yaasha aan ninmanka ka bixiyey waa kuwa aan aad ugu ceeb qariyey. Waayo waxaan ogahay in inaguna aan aad uga dharagsannahay, cadowgeenana loobaahneyn in aad looga farxiyo. Dhamaan dhibaatooyinkan waa kuwo lagu qabsaday, barakiciyey, bahdiley, dhaawacay, laguna laayey dadkeena. Dhamaan waxaa si toos ah iyo si dadban u suuragaliyey nin horgale ah oo dadkan ku abtirsada. Hadaba waxaa is weydiin mudan, maxaan ragan aan waxba inoo reebin u daawaneynaa oon Iyaga ugu bilaabi la’nahay birta aan cadowga lodooneyno?

Waa Waa kuma Horgale?

Inagoo wada gareyney horgale kuu yahay, hadana waxaan u baahanahay in la’ina dareensiiyo oo la’ina xusuusiyo. Hadeynu siyar oo kooban u cabirno horgale bal ila eega waxay ka tidhi gabadh abwaanad ah oo layidhaah Aamina Cumar.

Hargale inala hayb maaha iyo hooyadii dile’e

Habaar iyo xanuun inay qabaan horeba loo sheegye

Hunguri waa miduu qaaday oo haybti garan waaye

Hamba dhowradaa iyo kuwaa heenka naga raacay

Hablahoodu guur malaha iyo hoyasho naageede

keligood haday soo hadhaan waa hareer maride

Horriyo dhurwaa weeye iyo haalig iyo tuuge

Hambaash weeye iyo baalaleey guban habeenkiiye

Waa howtal hamagaa ku dhaca holaca laylkiiye.

Humaag baa waxaa lagu tusaa bahal habeenkiiye

Hubsan waaye hiil iyo midkay hillib wadaagaane

Huuhaada iyo beentu waa horu markoodiiye

Hadal iyo hadhuudh raadis bay talo ka haystaane

Hoosiis waxaa looga dhigay heego iyo roobe

Hido iyo waxaan dhaqan lahayn lagu rid hoob

Horgale Sidee Ku Haboon!!

Inta ay jirto runta oo laga warwareegayo, nimankan ku sifoobay damiir laawayaasha shaqadaa xun ee hooyooyinkood jeelasha mandheera loogu waaridayo ayey ku jirayaan. Hadaba runta aan kusoo dhowaano.

Ninmanka dadbey ka dhasheen, Soomaaliya maanta dowlad wada hanatey majirto. Wali dhaqanka qabiilka ayaa gacanta sare leh. Danbiga uu qof geysto waxaa loo aaneeyaa qoyska iyo qabiilka uu kasoo jeedo. Maanta hadii ladilo horgale yaasha dhibaateeyay dadkoodii, waxaa hubaal ah in la’arki doono qabiil usoo safanaya. Waxaa taa u daliil ah, markii laqabtay nin horgale ah oo lagu magacaabo Cali Sandule, markiiba xiisad ayaa cirka isku shareertay. Ninkaa oo ka mid ahaa ragga dadka reer Laascaanood dhibaateeyay waa lasii daayey isla maalin gudaheed.

Arintani waxay xoojinay dood in badan dadka reer Khatumo is weydaarsanayeen oo aheyd maxaa nimanka loo leyn la’yahay. Dad badan ayaa qaba in masuuliyadaasi saraantahay reerka ay kadhasheen. Tusaale ahaan, nin lagu magacaabo Mahad Canbaashe oo maliishiyaad ka amarqaata si joogto ah u dhibaateeyaan dadka reer Sool Waxuu ka dhashay beel kamid ah beelaha reer Sool. Ilaa hada lama hayo meel ay kaga wada tashadeen in wiilkaa wax lagaga qabto. Dhibta ugu badan waxa uu ugeysto waa reerkaa uu ka dhashay, isaga oo dhamaantood waxna gacanta cadowga galiyey waxna ay dabad wareeg yihiin.

Dadka reer Khatumo way awoodaan inay nin wax ka qabtaan, laakiin cidda laga sugayo inay arinkaa ogolaan shaheeda bixiso waa reerka uu ka dhashay. Waana inay iyagu hormuud ka noqdaan. Ninkan in badan ayaa lagu dayey hadal iyo waliba in lalaalusho, waxba waa kasuuro gali waayeen. Maanta, fursada kaliya ee furani waa in gacan wax lagagaqabto. Hadii tani dhacdo, waa hubaal in kuwo badanna ku quus qaadan lahaayeen, cadowguna meel uu foodsaaro ka dhigto waayi lahaa.

Waxaa daliil u ah arinkan, aan idin xussusiyo dagaalkii Kalshaale ee kal hore. Markii maleeshiyada SNM weerarka soo qaadeen. Waxay iska soo hormariyeen ninkan aan hada soo xusnay (Mahad Canbaashe) iyo nin kale oo isagu reer Buuhoodle ahaa laguna magacaabo col. Dalbac. Ula jeedkoodu waxuu ahaa sidii Lascanod lagu qabsaday Buuhoodlena halagu qabto, markaad nin u dhashay iska hormarisaan. Reerkii Dalbac kasoo jeeday 24saac ayey u qabteen inuu isku soo dhiibo hadii kalana ay isaga kabilaabayaan. Ninkani ugu yaraan 200 oo maliishiyaad ah ayaa ka amar qaadanayey hadana markii runi runtimi, kuu isasoo dhiibay. Mahad Canbaashana meeshii kuu ka firxaday kadib markii loodhaartay.

Markii labadii horgale ka baxeen cadowgii, waxaa dadka u fududaatay in SNM la’iska difaaco laguna wiiqo dagaaladii ay doonayeen in ay Buuhoodle ku qabsadaan. Ina Canbaashe iyo horgala yaasha kale ee lamidka ah waxay ka dhasheen reero sida Dalbac. Dalbac reerkoodii ayaa sidhab ah oon warwareeg laheyn wax uga qabtey. Waana ta fududeeysay in cadowga laga adkaado. Laga akhrisan maayo beeldhan oo qaran jira ah in wiil yar oo jiri ah ay wax ka qaban waayaan. Ama waa inay dadka u cadeeyaan cidii disha aan loo raaci doonin.

Qore: Yassin Salaad Mohamed. Email: yassinone1@hotmail.com

DEGDEG | Wariye Sameeyay Maanso Cajiib ah Oo Uu Kaga Hadlayo Heestii Loo Qaaday Muqdisho + Akhri Maansadii .
Halkan Waxaan kusoo bandhigayaa  MAANSO aan fakar ahaan ku cabirayo heestii dhawaan qaar kamida fanaaniinta Reer Hargaysa uqaadeen Madaxwayne Xasan Sh Maxmud & Magaalo madaxda jamhuriyada Somalia ee Muqdisho .

WUXUU YIDHI :-

Hogaankaa jabuutiyo

Halyaygaad Tilmaanteen

Inkastuu Holdoor yahay

Haybadeena jecel abid.

Balse hadalka qaarbaa

Habka aad udhigay siyo

Hubsi kaaga baahane.

Hogaan uu dad doortoo

Hibo eebe siiyaad

Hebel eego leedee.

Dadka qaar hanfade oo

Hilin khalada haystiyo

Qaar habeeno laa badane.

Malaha hawlkar nimadiyo

Hirkaa soo bidhaamiyo

Hufnaantiyo wanaaguba

Hargaysa uma muuqdaan

Mise hiil kalaa jira ?????,

Halbeegooda cabirkiyo

Hindisihiyo garashadu

Ma waxay hawoodeen

Inay hadalo dhihistiyo

Luuqda heeso tirintuba

Hal ugaara tahayoo

Jawaab heenso bixinteed

cid hawoonaysaa jirin ???.

Maxay hobolo caan ihi

Intay heeso Qaadeen

Hab gunaanad koodii

Hadal laga xanaaqiyo

Habaarka uga yeeleen ???.

Gartay heedhe ereyada

Inuu guuxay ruuxaan

Suugaanta gabigeed

Gadaheeeda baranoo

Wali loo galgaal bixin !!!!

Waxse aan garwaaqsaday

Gafku talogal inuu yahay

Geeraare yaashiyo

Kuwa luuqda garab dhigay

Ama galiyay laxankee

Muusiga u garaacaa

Miyay garan ba waayeen

Wuxuu uga goleeyahay ????

By Abdirahman Omar Abdi ( Abdirahman Somali )

shaxda1@gmail.com

Nairobi – Kenya

Maqaal: Quusashada iyo Qalbijabka SNM.
Horaa loo yiri ” habar dhali weysay, aleelo ku waalatay”. Ka dib markii inta ka hartey jabhaddii snm ee ummadda Soomaaliyeed fadqlalaysay, ee maanta loo haysto inay dulmiyeen dadka Soomaaliyeed, siiba da’yartooda ku dhaqan hargaysa iyo Berbera, ee lagu akhriyo snm ama Snm-land, ayay hadda waxa soo waajihay wadhi aanay hore u maleysan.

Snm, marna cindigooda ma gelin, beenta iyo huuhaada ay la hoos gableeyaan wiilka yar ee Wallesh-ka u dhashay, laga soo doorto galbeedka UK, wax kastaba ha ku laaluusheene arrinkii waa soo dabago’ay (siilaanyow dhiciwaa).

Haddii aynnu dib ugu laabanno, wax magaratadii xag jirka ahayd ee snm haba ugu horreeyyeen Siilaanyo iyo Maygaag samatare, waxaa suura geli waayey beentii Ingrissku ku akhriyey markii ay wax ku soo tuurtuurayeen maatadooda, isla nmarkaasna u barakicinayeen Xarshin, dhoqoshay.

maanta, faysal Cali waraabe, oo ka tirsan denbiilayaasha u eedaysan ummadda Soomaaliyeed, kana mid ahaa maskax ku dhiiglayaashii naafeeyey nadaamka dawliga ah ee Soomaaliya, ilaa haddan u qaybiya da’yarta dulman sunta loo yaqaan S/land ama snm, ayaa aflabadii yeeray dorraad, markii uu arkay madax weynaha soomaaliya iyo Mareykanka oo wada shaqayn ku ballamay.

faysal cali Waraabe, oo inta badan lagu xanto inuu yahay SAFIIH, ama nin maskaxdiisu aaney juusto ahayn, ayaa ku hadaaqay ereyadan “aqoonsiga la aqoonsadey Soomaaliya, waxay dhabarjab ku tahay Soomaaliland”.  Faysal, isgoo ku abtirsanaya, isla markaasna ku hanweyn inuu Ingiriis gumaysto awowgii, ayuu naftiisa ku qanciyey, kala qoqob ummadda Soomaaliyeed ee ku wada noolayd edegga qura muddo hadda lagu qiyaaso laba kun oo sano (2000 sano).

wuxuu rabaa, in Ingiriiskii dusha ka rarey isaga iyo ahalka uu ku abtirsado, inuu ka dhigto qareen ugu dooda halla gooni yeel qabiilka ISAAQA, illeyn Ingiriis waa ogyahay inaan afarta qabiil ee kale islamarkaasna degta waqooyiga dalka inaanay ka ogolaanayn kala qoqobka ummaddayada iyo qoos qoosaynta macno darrada ah; waxaa nool raggii karbaashey Ingiriis una diiday inuu gaaleeyo dadka Soomaaliyeed, taas oo ahayd muhimdda kowaad ee gumaystaha, isla markaasna kala qoqobo dadka diintu walalaaysay.

Quusashada iyo qalbi jabka ku dhacay somaliland, waa mid aaney marnaba ka filanin xayndaabkooda,

Haddana, waxay ku sandullaysan yihiin, inay dib u qoraan, dhammaanba taariikhdi sunta loogu darey caruurtooda, sida waa layna xasuuqay, oo caruurtu marna isweydiin kari weysay maxaa naloo xasuuqay sabab?

Ugama jawaabi karaan su’aashaas qaaliga ah. Waxay ku abaabiyeen caruurta ay wax u dhigaan, inay wax ku ahaayeen Ingiriis, ayna tahay geed ka go’an soo celinta Ingiriis iyo danihiisii ahaa inuu dhusha ka raro, ama dulleysto illeyn waa gaale.

Snm, taariikh soo yaal ah bay u leedahay, iany gaal uun garabsadaan, oo waxaan xusuustaa, mid ka fidnoobay mujaahidiintii DARAAWIISHTA, bal fiirso erayadiisa “muslinnimo ninkaa kugu dhaqayn mu’minimo khaasa, GALL MAXASTA KUU DHAWRA OO AAD MAGANSATAA DHAAM”. Bal qubxigaa iyo faajirnimadaas heerka gaartey wax ka dhaha akhristow.

Gebogebada maqaalkeenna, waxaan u sheegaynaa, snm, sed bursi kaa xaaransan, Soomaalina waxaad ka tahay 2%, iimaanso wixii aad hesho.

Dekadaha oo ah kuwo federal ah iyo weliba garoomada diyaaradaha, waxaa dhisay, kuna tacbay Muxammad siyaad Barre, hal bulukeeti maydan saaran, haddana inaad nidaam dawlo oo snm ahaan muhandistaan waa mid kaa maqane, halagu hago snm ey, sidii horeba halyeeyada Soomaaliyeed kuu hagi jireen.

Eng. ibndariiq.

DAAWO.SAWIRO.Ardayda Habeenlaha Ah Ee Maxadka Alfurqaan Ee Magalada Buhodle Oo ImtixaanKii Usoo Gaba Gaboobay (
Ardayda maxadka culuunta iyo diiniga ee Al Furqaan Ee Magaalada Buuhoodle  Qaybta Habeenkii Ayaa waxaa Gababo Umaraya imtixaankii Maxadkaasi

ardayda imtixaankani ugabagaboobayo ayaa ah ardayda habeenkii waxkabarata maxadkani iyada oo dhinaca kale subaxii ay arday kale galaan maxadka ardaydan maxadka habeen kiii dhigata ayaa ah kuwa maamlinkii mush quulsan sida ganacsatada, hooyooyinka, ardayda waxkabarata dugsiyada sare ee maadiga ah,

hadaba qaar kamida macalimiinta wax kadhiga magaalada buuhoodle magaciisana layiraahdo faarax maxamed xundile  oo isagu  kamida dadka aan maalinkii jaaniska lahayn habeenkiina kafaa idaysta waxbarashada shareecada ee maxadkan lagu dhigo ayaa u mahad celiyey boodhka maxadka oo usuurto galiyey inay habeenkii  kafaa idaystaan waxbarshadan lagubarnayo maxadkani  sheegayna in imtixaanki sifiican ugu soo gabagaboobay

moha cali